”
#5365HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Abii ayuub Alansaarii Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Nina uma banaana inuu gooyo Walaalkii seddex Habeen wax ka badan, iyagoo kulmaya oo midba midka kale ka jeensanayo, labadoodana waxaa…
”
#5367HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Jubeyr Binu Mudcim Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Magalayo Janada Qofka gooya Qaraabada."
”
#5368HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Xudeyfa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Janada magalo fitnoole."
”
#5371HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Abii Dardaa-Allaha ka raalli ahaadee- wuxuu Nabiga ka wariyey inuu yiri: "Majiro wax ka culus miisaanka qofka mu'uminka ah maalinta qiyaamaha Akhlaaqda fiican, Illaahayna wuu u caroodaa qofka afka xun ee ma xishoodaha ah.
”
#5372HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka jecel in loo waasiciyo irsaaqadiisa oo loo dheereeyo cumrigiisa, ha xiriiriyo Qaraabadiisa."
”
#5377HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Caburraxmaan Binu Abii Leylaa wuxuu yiri: waxaan la kulmay Kacab Binu Cujrah, wuxuuna igu yiri: hadiyad makusiiyaa? Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-ayaa nagu soo baxay, waxaanan ku niri: Rasuulka Ilaahayow, waan baranay sidaan kuu salaamaynee, sideen kuu…
”
#5382HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Adoonku wuxuu ugu dhaw yahay Rabigi markuu Sujuudsan yahay ee ducada badiya."
”
#5437HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka Ilaahay iyo Maalinta Qiyaamaha rumaysan khayr ha ku hadlo ama ha iska aamuso, Qofka rumaysan Ilaahay iyo Maalinta Qiyaamaha Jaarkiisa ha maamuuso, Q…
”
#5439HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Jariir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka aan dadka u naxariisan isagana Ilaahay uma naxariisto."
”
#5474HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Caa'isha Allaha ka raali Ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Ilaahay Ragga wuxuu ugu neceb yahay Gar maqaataha dooda badan."
”
#5475HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Samura Binu Jundub Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ilaahay hadalka wuxuu u jecel yahay Afar: subxaana Allaah, Alxamdu lilaah, laa ilaaha ilaa Allaah, Allaahu akbar, dhib maleh tii…
”
#5476HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Abii Hurayra Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa la waydiiyey waxa ugu badan ee Janada lagu galo, wuxuuna yiri: "waa cabsida Ilaahay iyo Akhlaaq wanaaga ", waxa kaloo la waydiiyey waxa ugu bad…