HadeethEnc · 1.19.0
Adoonku wuxuu ugu dhaw yahay Rabigi markuu Sujuudsan yahay ee ducada badiya
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Adoonku wuxuu ugu dhaw yahay Rabigi markuu Sujuudsan yahay ee ducada badiya."
02
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Adoonku markuu ugu dhaw yahay Rabigi ay tahay markuu Sujuudsan yahay, taasina waa Qofka tukanayaa wuxuu dhigayaa dhulka meesha ugu saraysa uguna Sharafta badan jirkiisa isago Ilaahay Casa Wajala u khuduucaya, isuna dulaynaya oo u tawaaducaya isagoo Sujuudsan.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in ducada la badiyo Sujuuda dhexdeeda, waayo waxaa kulmaya in Ilaahay la isu duleeyo hadal ahaan iyo ficil ahaanba.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in ducada la badiyo Sujuuda dhexdeeda, waayo waxaa kulmaya in Ilaahay la isu duleeyo hadal ahaan iyo ficil ahaanba.
03
Benefits
Cibaadadu waxay u kordhisaa Adoonka u dhawaanshaha Ilaahay, Isagaa nusqaan ka hufan oo sareeyee.
Waxaa Suno ah in Sujuuda lagu badiyo ducada, waayo waxay ka mid tahay meelaha ducada lagu aqbalo.
Waxaa Suno ah in Sujuuda lagu badiyo ducada, waayo waxay ka mid tahay meelaha ducada lagu aqbalo.
Attribution
[Waxa wariyay Muslim]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares