Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa la waydiiyey waxa ugu badan ee Janada lagu galo, wuxuuna yiri: "waa cabsida Ilaahay iyo Akhlaaq wanaaga
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Abii Hurayra Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa la waydiiyey waxa ugu badan ee Janada lagu galo, wuxuuna yiri: "waa cabsida Ilaahay iyo Akhlaaq wanaaga ", waxa kaloo la waydiiyey waxa ugu badan ee Naarta lagu galo, wuxuuna yiri: "waa Afka iyo Farjiga."
Explanation
Ilaahay cabsidiisa iyo akhlaaq wanaagsan.
Ilaahay cabsidiisu: waa inaad samaysataa wax cadaabka Ilaahay kaa xigsada, taasoo ah inaad amarkiisa raacdo kana fogaato wixii uu kaareebay.
Akhlaaq wanaaguna: waa waji furnaanta, wanaag samaynta iyo dhibka oo la joojiyo.
Asbaabta ugu wayn ee Naarta lagu galana waa labo sababood, ku waasoo ah:
Carabka iyo Farjiga.
Carabka macsidiisa waxaa ka mid ah: Beenta, Xanta, isku dirka iyo wixii la mid ah.
Farjiga macsidiisa waxaa ka mid ah: Sinada, Khaniisida, iyo wixii la mid ah.
Benefits
Khatarta Carabku u leeyahay Qofka, iyo inuu ka mid yahay asbaabta Naarta lagu galo.
Khatarta Shahawaadka iyo Fuxshigu u leeyihiin dadka, iyo inay ka mid yihiin asbaabta ugu badan ee Naarta lagu galo.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

