”
#5382HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Adoonku wuxuu ugu dhaw yahay Rabigi markuu Sujuudsan yahay ee ducada badiya."
”
#5435HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Jundub Binu Cabdulaahi Alqusari Allaha ka raali ahaadee waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka tukada Salaada Subaxa Ilaahay magantiisuu ku jiraa, ee yaanu Ilaahay idinka dalbin shay ka mida magantiisa, waayo Qofki…
”
#5437HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka Ilaahay iyo Maalinta Qiyaamaha rumaysan khayr ha ku hadlo ama ha iska aamuso, Qofka rumaysan Ilaahay iyo Maalinta Qiyaamaha Jaarkiisa ha maamuuso, Q…
”
#5439HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Jariir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka aan dadka u naxariisan isagana Ilaahay uma naxariisto."
”
#5474HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Caa'isha Allaha ka raali Ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Ilaahay Ragga wuxuu ugu neceb yahay Gar maqaataha dooda badan."
”
#5475HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Samura Binu Jundub Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ilaahay hadalka wuxuu u jecel yahay Afar: subxaana Allaah, Alxamdu lilaah, laa ilaaha ilaa Allaah, Allaahu akbar, dhib maleh tii…
”
#5476HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Abii Hurayra Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa la waydiiyey waxa ugu badan ee Janada lagu galo, wuxuuna yiri: "waa cabsida Ilaahay iyo Akhlaaq wanaaga ", waxa kaloo la waydiiyey waxa ugu bad…
”
#5478HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Cabdullaahi Binu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu maqlay nin ka waaninaaya Walaalkii Xishoodka, wuxuuna ku yiri: " "Xishoodku iimaankuu ka mid yahay ".
”
#5493HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri "Mu'uminka xoogga weyn, ayaa ka khayr badan lagana jecel yahay xaga Ilaahay Mu'uminka Daciifka ah, mid walbana khayr buu leeyahay, ku dad…
”
#5502HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Anas Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Ducada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa ugu badnaa "Allahayow, Rabiyow, Adduunka nagu sii kheyr, Aakhirana nagu sii kheyr, nagana ilaali cadaabta Naarta-ee Aakhiro."
”
#5503HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Shadaad Binu Aws Allaha ka rali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: " Sayidka istiqfaartu waa inaad tiraahdo: Allahayow adigaa Rabigay ah Ilaah aan adiga ahayn ma jiro, adigaa i abuuray ana Adoonkaagii ayaan ahay waxaan ku…
”
#5507HadeethEnc[Xadiis Saxiix ah]
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Labo eray oo ku fudud Carabka, kuna culus Miisaanka, Raxmaankuna jecel yahay: waa: Subxaana Allahi Alcadiim, Subxaana Allahi wa Bixamdihi."