Mu'uminka xoogga weyn, ayaa ka khayr badan lagana jecel yahay xaga Ilaahay Mu'uminka Daciifka ah, mid walbana khayr buu leeyahay,
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri "Mu'uminka xoogga weyn, ayaa ka khayr badan lagana jecel yahay xaga Ilaahay Mu'uminka Daciifka ah, mid walbana khayr buu leeyahay, ku dadaal waxa ku anfacaya, Ilaahayna kaasho, hana caajisin, haddii wax kugu dhacana ha dhihin haddaan sidaa iyo sidaa yeeli lahaa, waxaadse tiraahdaa: Ilaahay wuxuu doonuu qadaraa wuxuu doonana wuu falaa, Ereyga "LOW" camalka Shaydaanka ayuu furaa".
Explanation
Benefits
Waa Sunne in xoog loo yeesho camalka aan qabanayno, waayo xooga waxaa ku yimaada faa'iido aan ku iman karin Daciifnimada.
Waxaa la gudboon Aadoonku inuu ku dadaalo wixii faa'iido u leh, kana fogaado wixii aan wax tar u lahayn.
Waxaa Mu'uminka waajib ku ah inuu Ilaahay gar-gaar waydiisto dhamaan umuurihiisa oo dhan, oo uusan Naftiisa isku halayn.
Waxa Ilaahay xukumo iyo Qadarkiisuba waa run oo waa wax cad oo sugan, kamana hor imanaayo in Qofku sababaha iyo dadaalka sameeyo, kheyrkana u dadaalo.
Waxaa la reebey Ereyga ''hadaan saa yeeli lahaa'' oo si caro ku jirto loo dhaho marka musiibo Qofka ku dhacdo, waana xaraan in la diido Qadaaga iyo Qaddarka Ilaahay.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

