HadeethEnc · 1.19.0
Qofkii Ilaahay khayr la doono wuu asiibaa
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofkii Ilaahay khayr la doono wuu asiibaa."
02
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay haduu la doono khayr Qof Adoomadiisa Muuminiinta ah, wuxuu itaxaan kaga rido xaga Naftooda, Maalkooda, Ehelkooda, Muumniintu waxay ka helayaan arinkaa inay Ilaahay magan galaan oo baryaan iyo in loo danbi dhaafo darajadoodana kor loo qaado.
03
Benefits
Qofka Muuminka ah waxaa lagu itaxaamaa balaayo kala duwan.
itaxaanka Muuminku marayo wuxuu calaamad u noqon karaa in Ilaahay jecel yahay Adoonkiisa, oo darajadiisa kor u qaado, oo maqaamkiisa kor u qaado, dambigiisana dhaafo.
Waxaa la isku boorinayaa marka masiibo dhacdo in la sabro oo aan la argagixin.

Attribution
[Waxa wariyay Albukhaari]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares