العلق

 

Al-'Alaq

 

The Clot

1 - Al-'Alaq (The Clot) - 001

ٱقۡرَأۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلَّذِي خَلَقَ
1. Ku akhri Magaca (Alle) Rabbigaa, ee abuuray (wax waliba).

2 - Al-'Alaq (The Clot) - 002

خَلَقَ ٱلۡإِنسَٰنَ مِنۡ عَلَقٍ
2. Ka abuuray aadmiga xinjir.

3 - Al-'Alaq (The Clot) - 003

ٱقۡرَأۡ وَرَبُّكَ ٱلۡأَكۡرَمُ
3. Akhri! Rabbigaa waa Sharaf Badnaha,

4 - Al-'Alaq (The Clot) - 004

ٱلَّذِي عَلَّمَ بِٱلۡقَلَمِ
4. (Dadka) baray sida wax loogu qoro qalinka.

5 - Al-'Alaq (The Clot) - 005

عَلَّمَ ٱلۡإِنسَٰنَ مَا لَمۡ يَعۡلَمۡ
5. Baray Aadmiga wax uusan aqoon.

6 - Al-'Alaq (The Clot) - 006

كَلَّآ إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ لَيَطۡغَىٰٓ
6. Mayee! Aadmigu (kan gaalka ahi) wuu xadgudbaa oo kibraa.

7 - Al-'Alaq (The Clot) - 007

أَن رَّءَاهُ ٱسۡتَغۡنَىٰٓ
7. Markuu isku ogaado Hodantinnimo iyo deeqtoonaan.

8 - Al-'Alaq (The Clot) - 008

إِنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ ٱلرُّجۡعَىٰٓ
8. Hubaal! Waa xagga (Alle) Rabbigaa noqodku.

9 - Al-'Alaq (The Clot) - 009

أَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي يَنۡهَىٰ
9. Ka warran midka ka reeba.

10 - Al-'Alaq (The Clot) - 010

عَبۡدًا إِذَا صَلَّىٰٓ
10. Addoon (Alle) oo tukan salaad?

11 - Al-'Alaq (The Clot) - 011

أَرَءَيۡتَ إِن كَانَ عَلَى ٱلۡهُدَىٰٓ
11. Bal ka warran hadduu ku sugan yahay (addoonkaa) jid toosan?

12 - Al-'Alaq (The Clot) - 012

أَوۡ أَمَرَ بِٱلتَّقۡوَىٰٓ
12. Amaba uu amro Alle ka cabsiga iyo xume ka dhowrsiga?

13 - Al-'Alaq (The Clot) - 013

أَرَءَيۡتَ إِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰٓ
13. Bal ka warran hadduu kaasina (gaalka ahi) beeniyo Xaqa, kana jeesado?

14 - Al-'Alaq (The Clot) - 014

أَلَمۡ يَعۡلَم بِأَنَّ ٱللَّهَ يَرَىٰ
14. Mawuusan ogeyn in Alle arko?

15 - Al-'Alaq (The Clot) - 015

كَلَّا لَئِن لَّمۡ يَنتَهِ لَنَسۡفَعَۢا بِٱلنَّاصِيَةِ
15. Mayee! Haddii uusan meel joogin, waxaanu hubaal qaban foodda,

16 - Al-'Alaq (The Clot) - 016

نَاصِيَةٖ كَٰذِبَةٍ خَاطِئَةٖ
16. Food beenley ah oo gefley ah.

17 - Al-'Alaq (The Clot) - 017

فَلۡيَدۡعُ نَادِيَهُۥ
17. Ha u yeedho golihiisa.

18 - Al-'Alaq (The Clot) - 018

سَنَدۡعُ ٱلزَّبَانِيَةَ
18. Waxaanu u yeedhi malaa’ig daran.

19 - Al-'Alaq (The Clot) - 019

كَلَّا لَا تُطِعۡهُ وَٱسۡجُدۡۤ وَٱقۡتَرِب۩
19. Mayee, ha adeecin oo sujuud, una dhowow (Alle).

[sc name="verse"][/sc]

Scroll to Top