الانسان
Al-Insan
The Man
1 - Al-Insan (The Man) - 001
هَلۡ أَتَىٰ عَلَى ٱلۡإِنسَٰنِ حِينٞ مِّنَ ٱلدَّهۡرِ لَمۡ يَكُن شَيۡـٔٗا مَّذۡكُورًا
1. Waxaa Aadmiga soo maray waqti wax la sheego uusan aheyn (uusan jirinba).
1. Al-Insaan: dadka, waxaa sidoo kale Suuraddan la yidhaahdaa Ad-Dahar (Waqtiga).
2 - Al-Insan (The Man) - 002
إِنَّا خَلَقۡنَا ٱلۡإِنسَٰنَ مِن نُّطۡفَةٍ أَمۡشَاجٖ نَّبۡتَلِيهِ فَجَعَلۡنَٰهُ سَمِيعَۢا بَصِيرًا
2. Waxaanu (waa Alle'e) ka abuurnay Aadmiga mani yaroo nool isku dhafanta2, si aynu u imtixaanno, markaas waxaan ka yeellay mid wax maqla, wax arka.
2. Isku dhaf biyaha ninka iyo haweenta ee gala riximka haweenta.
3 - Al-Insan (The Man) - 003
إِنَّا هَدَيۡنَٰهُ ٱلسَّبِيلَ إِمَّا شَاكِرٗا وَإِمَّا كَفُورًا
3. Waxaanu tusnay jidka ama waa mid mahad naqa ama mid abaal dhac badan (gaal ah).
4 - Al-Insan (The Man) - 004
إِنَّآ أَعۡتَدۡنَا لِلۡكَٰفِرِينَ سَلَٰسِلَاْ وَأَغۡلَٰلٗا وَسَعِيرًا
4. Waxaanu u diyaarinnay gaalada silsilado, heegayaal, iyo dab ololaya.
5 - Al-Insan (The Man) - 005
إِنَّ ٱلۡأَبۡرَارَ يَشۡرَبُونَ مِن كَأۡسٖ كَانَ مِزَاجُهَا كَافُورًا
5. Kuwa baarriyiinta ah waxay ka cabbi galaas (khamro saafi ah) oo lagu dheehay Kaafuur.
6 - Al-Insan (The Man) - 006
عَيۡنٗا يَشۡرَبُ بِهَا عِبَادُ ٱللَّهِ يُفَجِّرُونَهَا تَفۡجِيرٗا
6. Il ay ka cabbi addoomaha Alle oo uga burqin sida iyo halkay doonaan burqin.
7 - Al-Insan (The Man) - 007
يُوفُونَ بِٱلنَّذۡرِ وَيَخَافُونَ يَوۡمٗا كَانَ شَرُّهُۥ مُسۡتَطِيرٗا
7. Waa kuwa oofiya nidarradooda, ka cabsadana Maalin sharkeedu fidi (Maalinta Qayaamaha).
8 - Al-Insan (The Man) - 008
وَيُطۡعِمُونَ ٱلطَّعَامَ عَلَىٰ حُبِّهِۦ مِسۡكِينٗا وَيَتِيمٗا وَأَسِيرًا
8. Waxay siiyaan cunno iyagoo jecel miskiinka, agoonka iyo maxbuuska.
9 - Al-Insan (The Man) - 009
إِنَّمَا نُطۡعِمُكُمۡ لِوَجۡهِ ٱللَّهِ لَا نُرِيدُ مِنكُمۡ جَزَآءٗ وَلَا شُكُورًا
9. (iyagoo laabta ka leh) Waxaan uun idiin siin raashinka Ilaahay Darti idinkama rabno abaal gud iyo mahadnaq midna.
10 - Al-Insan (The Man) - 010
إِنَّا نَخَافُ مِن رَّبِّنَا يَوۡمًا عَبُوسٗا قَمۡطَرِيرٗا
10. Waxaan ka cabsan Rabbigayo (Allaah) Maalin (wajigu) doorsoomi, murugo badan.
11 - Al-Insan (The Man) - 011
فَوَقَىٰهُمُ ٱللَّهُ شَرَّ ذَٰلِكَ ٱلۡيَوۡمِ وَلَقَّىٰهُمۡ نَضۡرَةٗ وَسُرُورٗا
11. Sidaa awgeed Alle wuxuu ka samata bixin sharka Maalinkaas, oo siin nuur iyo farxad.
12 - Al-Insan (The Man) - 012
وَجَزَىٰهُم بِمَا صَبَرُواْ جَنَّةٗ وَحَرِيرٗا
12. Oo ku abaal marin sabarkooda dartiis Janno iyo xariir.
13 - Al-Insan (The Man) - 013
مُّتَّكِـِٔينَ فِيهَا عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِۖ لَا يَرَوۡنَ فِيهَا شَمۡسٗا وَلَا زَمۡهَرِيرٗا
13. Iyagoo ku dangiigsan sariiro korreeya korkooda, kuma arkayaan (Jannada) gudaheeda kuleyl qorrax iyo dhaxan midna.
14 - Al-Insan (The Man) - 014
وَدَانِيَةً عَلَيۡهِمۡ ظِلَٰلُهَا وَذُلِّلَتۡ قُطُوفُهَا تَذۡلِيلٗا
14. Waxaa u dhow (geedaha Jannada) Hoosaskooda, waana loo soo raaricin midhaheeda raaricin.
15 - Al-Insan (The Man) - 015
وَيُطَافُ عَلَيۡهِم بِـَٔانِيَةٖ مِّن فِضَّةٖ وَأَكۡوَابٖ كَانَتۡ قَوَارِيرَا۠
15. Waxaa lagula dhex wareegi weelal qalin ah iyo koobab quraarado ah.
16 - Al-Insan (The Man) - 016
قَوَارِيرَاْ مِن فِضَّةٖ قَدَّرُوهَا تَقۡدِيرٗا
16. Quraarado fiddo (qalin) ah si fiicanna u qiyaasan.
17 - Al-Insan (The Man) - 017
وَيُسۡقَوۡنَ فِيهَا كَأۡسٗا كَانَ مِزَاجُهَا زَنجَبِيلًا
17. Waxaa laga waraabin galaas (khamro saafi ah) lagu dheehay Sanjabiil,
18 - Al-Insan (The Man) - 018
عَيۡنٗا فِيهَا تُسَمَّىٰ سَلۡسَبِيلٗا
18.Il (Jannada)gudaheeda ah, la yidhaahdo Salsabiil.
19 - Al-Insan (The Man) - 019
۞وَيَطُوفُ عَلَيۡهِمۡ وِلۡدَٰنٞ مُّخَلَّدُونَ إِذَا رَأَيۡتَهُمۡ حَسِبۡتَهُمۡ لُؤۡلُؤٗا مَّنثُورٗا
19. Waxaa u adeegi wiilal da’ yar aan gaboobin oo waari markaad aragto aad moodi sida luul la firdhiyey.
20 - Al-Insan (The Man) - 020
وَإِذَا رَأَيۡتَ ثَمَّ رَأَيۡتَ نَعِيمٗا وَمُلۡكٗا كَبِيرًا
20. Haddaad aragto halkaas (Jannada), waxaad arki barwaaqo iyo boqortooyo weyn.
21 - Al-Insan (The Man) - 021
عَٰلِيَهُمۡ ثِيَابُ سُندُسٍ خُضۡرٞ وَإِسۡتَبۡرَقٞۖ وَحُلُّوٓاْ أَسَاوِرَ مِن فِضَّةٖ وَسَقَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡ شَرَابٗا طَهُورًا
21. Dharkoodu (ehlu Jannaha) waa xariir jilicsan oo cagaaran iyo xariir adagba. Waxaana lagu qurxin jin-jimo qalin ah, (Allena) Rabbigood wuxuu ka waraabin sharaab daahir ah.
22 - Al-Insan (The Man) - 022
إِنَّ هَٰذَا كَانَ لَكُمۡ جَزَآءٗ وَكَانَ سَعۡيُكُم مَّشۡكُورًا
22. Hubaal kani waa abaalgud aad leedihiin, dadaalkiinniina waa la idiin gudi oo ajar weyn la idinka siin.
23 - Al-Insan (The Man) - 023
إِنَّا نَحۡنُ نَزَّلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡقُرۡءَانَ تَنزِيلٗا
23. Annagaa kugu soo dejinnay Qur’aanka (Nabi Muxammadow) si qayb qayb ah (Suurado iyo Aayado) soo dejin dhan.
24 - Al-Insan (The Man) - 024
فَٱصۡبِرۡ لِحُكۡمِ رَبِّكَ وَلَا تُطِعۡ مِنۡهُمۡ ءَاثِمًا أَوۡ كَفُورٗا
24. Ee ku samir Xukunka Rabbigaa, hana adeecin denbiile iyo abaal darne midna.
25 - Al-Insan (The Man) - 025
وَٱذۡكُرِ ٱسۡمَ رَبِّكَ بُكۡرَةٗ وَأَصِيلٗا
25. Xus Magaca (Alle) Rabbigaa subax iyo galabba.
26 - Al-Insan (The Man) - 026
وَمِنَ ٱلَّيۡلِ فَٱسۡجُدۡ لَهُۥ وَسَبِّحۡهُ لَيۡلٗا طَوِيلًا
26.Habeenka qaarkina u sujuud, oo ammaan (hufna) in dheer oo habeenka ah.
27 - Al-Insan (The Man) - 027
إِنَّ هَـٰٓؤُلَآءِ يُحِبُّونَ ٱلۡعَاجِلَةَ وَيَذَرُونَ وَرَآءَهُمۡ يَوۡمٗا ثَقِيلٗا
27. Kuwaasi (gaalada ah) waxay jecel yihiin noloshatan adduunka, waxayna mariyaan gadaashooda (oo dan u gelin) Maalin culus (Qiyaamada).
28 - Al-Insan (The Man) - 028
نَّحۡنُ خَلَقۡنَٰهُمۡ وَشَدَدۡنَآ أَسۡرَهُمۡۖ وَإِذَا شِئۡنَا بَدَّلۡنَآ أَمۡثَٰلَهُمۡ تَبۡدِيلًا
28. Annagaa abuurnay oo adkaynay seedahooda, haddaan doonnona Waxaan ku beddeli karnaa kuwo kale oo la mid ah beddelid dhan.
29 - Al-Insan (The Man) - 029
إِنَّ هَٰذِهِۦ تَذۡكِرَةٞۖ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلٗا
29. Suuraddani waa waano, ee qofkii doonaa, ha u samaysto jid xagga Rabbigi.
30 - Al-Insan (The Man) - 030
وَمَا تَشَآءُونَ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُۚ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَلِيمًا حَكِيمٗا
30. Waxna ma dooni kartaan in Alle doono mooyee, Alle waa wax walba Oge, Xikmad Badan.
31 - Al-Insan (The Man) - 031