waxaan idin farayaa Ilaahay cabsidi, iyo inaad maqashaan oo adeecdaan midka idiin madaxda ah hadii xataa uu yahay Adoon Xabashi ah, waxaad arki doontaan gadaashayda muran iyo is khilaaf daran, waxaan idiin dar-daarmayaa Sunadayda iyo Sunada khulafaa'u Raashidiinta hanoonsan ee iga dambaysa-
Cirbaad Binu Saariyah Ilaahay ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigaa naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee Maalin ayuu na dhex istaagay oo na wacdiyey, wacdi xeel dheer oo Quluubteenu cabsatay, Indhahayaguna ilmeeyeen, waxaana lagu yiri: Rasuulka Ilaah…

