waxaan idin farayaa Ilaahay cabsidi, iyo inaad maqashaan oo adeecdaan midka idiin madaxda ah hadii xataa uu yahay Adoon Xabashi ah, waxaad arki doontaan gadaashayda muran iyo is khilaaf daran, waxaan idiin dar-daarmayaa Sunadayda iyo Sunada khulafaa'u Raashidiinta hanoonsan ee iga dambaysa-
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Cirbaad Binu Saariyah Ilaahay ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigaa naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee Maalin ayuu na dhex istaagay oo na wacdiyey, wacdi xeel dheer oo Quluubteenu cabsatay, Indhahayaguna ilmeeyeen, waxaana lagu yiri: Rasuulka Ilaahayow waxaad na wacdiday wacdi sagootin ah ee noo samee balan qaad, wuxuu ku yiri: " waxaan idin farayaa Ilaahay cabsidi, iyo inaad maqashaan oo adeecdaan midka idiin madaxda ah hadii xataa uu yahay Adoon Xabashi ah, waxaad arki doontaan gadaashayda muran iyo is khilaaf daran, waxaan idiin dar-daarmayaa Sunadayda iyo Sunada khulafaa'u Raashidiinta hanoonsan ee iga dambaysa-, Gaws dambeedka ku qabsada, waxaanan idiinka digayaa wax kastoo Diinta lagu soo daro, Bidco kastaana waa Baadi ".
Explanation
Benefits
Xadiiska waxaa ku sugan in la ilaaliyo wacdiga iyo qalbi jiclcinta.
Xadiiska waxaa ku sugan in la is amray in la raaco khulafada Raashidiinta ah ee Mahdiyiinta ah ee afarta ah ee Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka danbeeyey, kuwaasoo ah: Abuu Bakar, Cumar, Cusmaan, Cali -Allaha ka raali ahaadee-.
Xadiiska waxaa ku sugan in la diiday in Diinta Bidco lagu soo daro, Bidco kastana lumid tahay.
Waa in la maqlo oo la adeeco cida Muuminiinta Mdax u noqota, iyadoon Macsi lagu raacayn.
Xadiiska waxaa ku sugan in ahmiyad ay leedahay in Ilaahay casa wajala laga baqao waqti walba iyo xaalad walba.
khilaafku wuu ka dhacayaa ummaddaan, hadii uu dhacana waa waajib in loo laabto Sunada Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo tii Khulafada Raashidiinta ah.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

