Ha xiranina Xariirta iyo Diibaajka, hana ku cabina Weelasha Dahabka iyo Fidada ka samaysan, hana ku cunina wax xeerooyinka labadaa ka samaysan, waayo Gaaladaa Aduunka wax ku cuna inaguna Aakhiraan leenahay
Cabduraxmaan Binu Abii Laylaa waxaa laga wariyey inay la joogeen Xudayfa oo codsaday in la waraabiyo markaasaa waxaa waraabiyey nin majuusi ah, markuu galaaskii qabtay ayuu ku tuuray isagii, wuxuu yiri: hadii aan la ii diidi lahan mar iyo labo maahee, waaba isaga oo aad…

