Allaha Naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee anigaa idiinku Salaad eg Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaadiisuna sidaas ayey ahayd ilaa uu Aduunka ka tegay
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade, waxaa laga wariyey in: Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaad walba wuu takbiirsan jiray tan faralka ah iyo tan Sunahaba, Ramadaanka iyo qayrkiba, wuuna takbiirsan jiray markuu kacayo, markuu Rukuucayo, wuxuuna dhihi jiray: samica Allahu liman xamidah, ka dib wuxuu dhihi jiray: Rabanaa walakal xamdu, intuuna Sujuudin, ka dibna wuxuu dhihi jiray: Allahu akbar, markuu u sii hoobanayo Sujuuda, ka dib wuu takbiirsan jiray markuu Madaxiisa Sujuuda ka oo qaadayo, ka dib wuu takbiirsan jiray markuu Fadhiga Rakcada labaad ka kacayo, sidaasuu ku samaynayey Rakcad walba, ilaa uu Salaada dhameeyo, wuxuu yiri: Abuu Muusa- markuu tagayey: Allaha Naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee anigaa idiinku Salaad eg Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaadiisuna sidaas ayey ahayd ilaa uu Aduunka ka tegay.
Explanation
Ka dib wuxuu oronayey Abuu Hureyra markuu Salaada ka baxay: Allaha Naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, Salaadaydaa ugu ekaansho badan Salaadii Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee sidaa ayey ahayd sifada Salaadiisu ilaa uu Dunida ka tegay.
Benefits
Asaxaabtu waxay ku dadaalayeen ku dayashada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo ilaalinta Sunadiisa.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

