Waxaa la i faray inaan ka Sujuudo todoba Lafood
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Ibnu Cabaas-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Waxaa la i faray inaan ka Sujuudo todoba Lafood: Wajiga, wuxuuna Gacantiisa ku ishaaray sankiisa, Gacmihiisa, labada law, faraha lugaha, oo aanaan aruurin celcelinna dharka iyo Timaha ".
Explanation
Tan 1aad: Wajiga: waana balaca Wajiga ee Sanka iyo Indhaha ka sareeya. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku ishaaray Gacantiisa Sankiisa, isagoo cadaynaaya Wajiga iyo Sanku inay hal xubin oo todobada ka mida yihiin, wuxuuna xoojinayaa in Qofka Sujuudsani Sankiisa Dhulka taabsiiyo.
Xubinka 2aad iyo 3aad: waa labada Gacmood.
Xubinka 4aad iyo 5aad: waa labada Law.
Xubinka 6aad iyo 7aad: waa Faraha labada Lugood.
Rasuulku wuxuuna amray in aynaan xirin Timaheena, ama aanaan aruurin Dharkeena markaan Dhulka ku Sujuudayno anagoo ilaalinayna Dharka, balse aan sii dayno ilaa ay Dhulka ku dhacdo oo Xubnaha la Sujuudno.
Benefits
Waa karaahiyo in la aruuriyo ama la celceliyo Marada iyo Timaha marka la tukanaayo.
waxaa ku waajib ah Qofka tukanaaya inuu ku xasilo Salaadiisa, taasoo ah inuu Xubnaha Sujuuda ee todobada ah dhulka dhigo, kuna xasilo ilaa uu digriga Sujuuda la imaanayo.
Nahyiga ku soo arooray in Timaha la celceliyo wuxuu gaar ku yahay Raga, waayo Dumarka waxaa la faray Salaada inay is asturaan.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

