HadeethEnc · 1.19.0
Hadii Qofkiin Calooshiisa shay ka dareemo, oo uu ka shakiyo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu ka bixin Majidka ilaa uu maqlo cod ama uu ur dareemo
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Hadii Qofkiin Calooshiisa shay ka dareemo, oo uu ka shakiyo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu ka bixin Majidka ilaa uu maqlo cod ama uu ur dareemo.
02
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey hadii Qofka tukanaaya calooshiisa ka dareemo dhaqdhaqaaq oo uu kala garan waayo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu Salaada ka bixin oo jarin si uu u soo weyso qaato, ilaa uu hubsado inuu jiro shay weysadiisii ka buriyey, taaso ah inuu maqlo Neef codkeed ama uu uriyo Neef, maxaa yeelay Qofka huba weysada shaki kama buriyo, Qofkuna wuu hubaa weysadiisii, shayga dhaqaajiyey ayaa shaki ah.
03
Benefits
Xadiiskani waa asal ka mida asalada Islaamka iyo qaacido ka mida qaacidooyinka fiqiga, waana: yaqiin shaki laguma suuliyo, asalkuna wuxuu baaqi ku ahaanayaa sidiisa ilaa la hubsado wax sidiisa ka duwan.
Shakigu ma saameeyo dahaarada, Qofka tukanayaana dahaaradiisii ayuu qabaa ilaa uu hubsado inay burtay.
Shakigu ma saameeyo dahaarada, Qofka tukanayaana dahaaradiisii ayuu qabaa ilaa uu hubsado inay burtay.
Attribution
[Waxa wariyay Muslim]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

