Daahirnimadu waa Iimaanka barki, Alxamdu lillahina miisaanka ayey buuxisaa, ama Subxaana Allaah iyo Alxamdulilah waxay buuxiyaan inta u dhaxaysa Samooyinka iyo Dhulka
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Abii Maalik Alashcari Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Daahirnimadu waa Iimaanka barki, Alxamdu lillahina miisaanka ayey buuxisaa, ama Subxaana Allaah iyo Alxamdulilah waxay buuxiyaan inta u dhaxaysa Samooyinka iyo Dhulka, Salaaduna waa nuur, Sadaqaduna Qofka xujo ayey u tahay, sabirkuna waa iftiin, Quraankuna xujo ayuu kuu noqdaa ama xujo ayuu kugu noqdaa dadka oo dhan way kalahaan, Qof walbana wuxuu samaynaayo ayuu Naftiisa ku iibsaday markaasaa dadku waxay noqonayaan mid Naftiisa xoreeya ama halaaga".
Explanation
Benefits
Muhimad ayey leedahay ilaalinta Salaadu, Adoonka Salaadu waxay u tahay nuur Aduunka iyo Maalinta Qiyaameba.
Sadaqaduna waxay daliil u tahay in Iimaanku run yahay.
Muhimad ayey leedahay ku camal falka qur'aanka iyo rumayntiisu si uu kuugu noqdo xujo, oo aanu kugu noqon xujo.
Nafta hadaanad ku mashquulin daacada Ilaahay macsi ayey kugu mashquulin.
Qof waliba waa hubaal inuu shaqeynaayo, Qofku daacada Ilaahay ayuu Naftiisa ku xorayn, ama macsi ayuu Naftiisa ku halaagin.
Sabirku wuxuu u baahan yahay adkaysin iyo ajar raadin wuxuuna leeyahay mashaqo.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

