Haduu ninku markuu soo gelayo Gurigiisa, ama uu cuntadiisa cunaayo, Shaydaanka wuxuu dhihin: halkan Hoy iyo Cashaba kuma lihin
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: " Haduu ninku markuu soo gelayo Gurigiisa, ama uu cuntadiisa cunaayo, Shaydaanka wuxuu dhihin: halkan Hoy iyo Cashaba kuma lihin, haduu soo galo isagoon Ilaahay xusin markuu soo gelaayey, Shaydaanka ayaa oronaya: waxaad soo gaarteen Hoy, haduu Cuntada cuno isagoon Ilaahay Xusina Shaydaanku wuxuu oran: waxaad soo gaarteen Casho iyo Hoy.
Explanation
shaydaanka ayaa ku dhaha taageerayaal kiisa: hoyaatin iyo casho kuma lihidin Gurigaan ninkii iska lahaa idinka magan gelay dikriga Ilaahay. Hadiise ninku soo galo Gurigiisa oo uusan xusin Ilaahay markuu Guriga galayo iyo markuu cuntada cunaayo shaydaanka ayaa u sheegaya taageerayaalkiisa inay Guriga ku leeyihiin Hoyaatin iyo Cashaba.
Benefits
Shaydaanku korka ayuu kala socdaa oo wuu ilaashadaa camalka Aadanaha iyo wuxuu qabanaayo oo dhan, markuu qaafil ka noqdo xuska Ilaahay ayuu Shaydaanku muraadkiisa ka qabsadaa.
Xuska Ilaahay Shaydaankuu eryaa.
Shaydaan walba wuxuu leeyahay taageerayaal iyo sokeeye ku bishaaraysta hadalkiisa, amaradiisana qaata.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

