HadeethEnc · 1.19.0
Qofka wayso qaata ee hagaajiya waysada, dambiyadiisu way ka baxayaan jirkiisa ilaa ay cidiyihiisa hoostooda ka baxaan
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Cusmaan Binu Cafaan Allah ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka wayso qaata ee hagaajiya waysada, dambiyadiisu way ka baxayaan jirkiisa ilaa ay cidiyihiisa hoostooda ka baxaan".
02
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka wayso qaata isagoo ilaalinaaya Sunadii iyo aadaabtii weysada arinkaasi wuxuu sabab u noqonayaa in loo Dambi dhaafo, ilaa uu dambigu ka baxayo cidiyaha Gacmihiisa iyo Lugihiisa.
03
Benefits
Waxaa lagu borinayaa in lagu dadaalo barashada waysada, Sunaheeda, aadaabteeda iyo ku camal falkeeda.
Xadiiska waxaa ku sugan fadliga weysada, iyo in dambiyada yar-yar lagau dhaafo, dambiyada waaweynse waa in laga toobad keeno.
Shuruuda dambigu ku baxayo waa in waysada la kaamil yeelo oo lala yimaado waysada iyadoo aan la khaldin sida Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu sheegay.
Dambi dhaafka Xadiiskan lagu sheegay wuxuu ku xiran yahay in laga fogaado dambiyada waaweyn oo laga towbadkeeno, Ilaahay wuxuu yiri: (haddaad ka fogaataan dambiyada waaweyn ee laydinka reebay waxaan idiin dhaafi dambiyadiina yar yar.) [Annisaa:31].

Attribution
[Waxa wariyay Muslim]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares