Naga mid maaha qofka shimbiraha ka faaliya ama shimbiraha looga faaliyo, ama faalalow ah ama loo faaliyo, ama saaxir ah, ama loo sixro
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Cimraan Binu Xuseyn Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Naga mid maaha qofka shimbiraha ka faaliya ama shimbiraha looga faaliyo, ama faalalow ah ama loo faaliyo, ama saaxir ah, ama loo sixro, iyo kan guntimaha sixira gunta, iyo kan u taga faaliye ee rumaysta wuxuu sheego, waanu ku gaaloobay diinta Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee lagu soo dajiyey."
Explanation
Tan 1aad: waa qofka shimbiraha ka faaliya ama shibiraha looga faaliyo asalkeeduna waa: shimbiraha oo la duuliyo marka camal la bilaabayo sida safar, ganacsi iyo wixii la mid ah, haduu u duulo xaga midig wuu bishaaraysan wuuna ku dhaqaaqin camalkii uu rabey, haduuse u duulo xaga bidix wuu baasaysan waanu ka joogin wixii uu rabey, uma banaana inuu isagu waxaa sameeyo ama uu cid kale u dirsado, waxaa soo gelaya baasaysigaa wax kasta oo maqal ah ama muuqaal ah, sida shibmiraha, xayawaanka, dadka naafada ah, lambarada, maalmaha, iyo wixii lamid ah.
Tan labaad: "waa qofka faaliya ama loo faaliyo" waa kan sheegta inuu qaybka wax ka og yahay isagoo adeegsanaya xidigaha iyo wixii la mid ah, ama cidkale u taga sida wax sheega iyo wax la mida oo rumeysta wuxuu sheegay isago sheeganaya inuu yahay cilmi qaybka, kaasi wuu ku gaaloobay waxa Ilaahay ku soo dajiyey Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee .
Tan saddexaad:(waa qofka saaxirka ah ama isaga loo sixro) waa kan isagu sixirka sameeya, ama qof kale u dirsada inuu sixir u sameeyo, si uu cid wax u taro ama u dhibaateeyo, ama kan guntimo xarig ku xira kuna sixira wax uu ku akhriyo oo ah wax la magan galo oo xaaraan ah ku tufa.
Benefits
Cilmi qaybka in la sheegto shirkiga ayey ka mida tahay wuuna diidayaa towxiidka.
Waa xaaraan in la rumaysto qofka wax sheega iyo in lootago, taas waxaa la raaciyaa akhrinta waxa lagu magacaabo Calaacasha, Koobka, iyo fiirintiisa hadii xataa ay thay iska daawasho uun.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

