taasu waa eray xaqa ah oo jinku soo dafay wuxuuna ku cel-celiyaa dhagta kan la shaqeeya sida dhawaqa digaagu ugu cel-celiyo, waxayna ku daraan in ka badan boqol beenood
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inay tiri: Dad ayaa waydiiyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee faalalowga, wuxuu ugu jawaabey: (waxba maaha kuwaasi) waxay dheheen: Rasuul alloow, waxbay sheegaan waqtiyada qaar wuuna rumoobaa, wuxuu dhahay Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: " taasu waa eray xaqa ah oo jinku soo dafay wuxuuna ku cel-celiyaa dhagta kan la shaqeeya sida dhawaqa digaagu ugu cel-celiyo, waxayna ku daraan in ka badan boqol beenood".
Explanation
Waxay dheheen: hadalkoodu waqtiyada qaar runtuu waafaqaa oo waxbaa laga arkaa, sida hadday sheegaan arin qayb ah inuu dhacayo bisha heblaayo maalin hebel, siday u sheegeen buu u dhacaa waqtiyada qaar.
Wuxuu dhahay Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee jinka ayaa soo dafa waxa uu ka maqlo warka samada, waxayna u sheegaan madaxdooda faalalowga ah wixii ay maqleen, faaliya-yaashuna waxay kusii darayaan warkaa samada laga soo maqlay boqol beenood.
Benefits
Samada waxaa laga ilaaliyey shayaadiinta soo diritaankii Nabi Maxammad nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib inay soo dhagaystaan wax waxyiga ka mida iyo qayrkiba mid wuxuu maqlay soo xaday maahee oo ka nabad galay shihaabka lagu tuuro.
Jinigu wuxuu leeyahay kuwo u Madax ah oo insi ah.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

