Adoon baa dambaabay Dambi, wuxuu yiri: Allahayow ii Dambi dhaaf
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Abii Hurayra Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Rabigi wuxuu ka wariyey, inuu yiri: " "Adoon baa dambaabay Dambi, wuxuu yiri: Allahayow ii Dambi dhaaf, Ilaahay sareeye wuxuu yiri : Adoonkaygaa dambaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, kuna ciqaaba, hadana wuu ku noqdoo wuu dambaabay, wuxuuna yiri : Rabiyow, ii dambi dhaaf, Ilaahay ayaa yiri: Adoonkaygaa dambaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, kuna ciqaaba dabmiga, hadana wuu ku noqdoo wuu dambaabay, wuxuuna yiri: Rabiyow ii dambi dhaaf, Ilaahay ayaa yiri: wuu dambaabay Adoonkaygu wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, kuna ciqaaba Dambiga, fal waxaad doonto, waan kuu Dambi dhaafaye".
Explanation
Benefits
Muuminka Ilaahay rumeeyey wuxuu rajo ka qabaa cafinta rabigiis, ciqaabtiisana wuu ka cabsadaa, towbada ayuu u degdegaa oo macsida kuma sii jiro.
Shuruuda towbada ee sexda ahi waa: Dambiga oo la joojiyo, lagana qoomameeyo, oo la go`aansado inaan lagu laaban Dambiga, hadayse tahay towbadu Dulmi laga galay Adoomada, sida Maalka, Cirdiga-Sharafka Qofka, iyo Naftaba, shardi kale oo afraad baa ku biiraya, kaasoo ah ka xalaashiga Qofkii xaqa iska lahaa, ama in la siiyo xaqiisa.
Muhimad ayey leedahay Aqoonta Ilaahay taasoo ka dhigaysa Adoonka mid aqoon u leh Diintiisa oo mar walba oo uu Dambaabo u towba keena Ilaahay, oo aanu quusan kuna sii jirin Dambiga.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

