idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabee, laakiin waxaa ii yimid malakul Jibriil, wuxuuna ii sheegay, in Ilaahay- isagaa wayne- idiinku faanayo malaa'igtiisa
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Abii Saciid Alkhudri -Allaha ka raali ahaadee- wuxuu dhahay: Mucaawiye ayaa ku soo baxay koox dad ah oo fadhiya masjidka, wuxuu yiri: maxaa idin fariisiyey? waxay dheheen: waxaan u fariisanay inaan Ilaahay xusno, wuxuu yiri: Ilaahay baan idinku dhaariyey wax kale uma aydaan fariisan miyaa? waxay dheheen: walaahi uma anaan fariisan kaas maahane, wuxuu yiri: haddaba anigu idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabo, qofna xaga Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ma jiro qof darajada aan rasuulka ka joogo oo kale ka jooga oo iga xafiis yar: Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaa ku soo baxay xalaqo oo asaxaabtiisu fadhiyeen, wuxuuna ku yiri: "maxaa idin fariisiyey? waxay dheheen: Ilaahay ayaan xusaynaa, una mahad naqaynaa Islaamka uu nagu hanuniyey darteed, oo uu nagu galadaystay Islaamka, wuxuu ku yiri: "ma idinku walaahi baa inaydaan wax kale u fariisan?" waxay dheheen: walaahi waxaan kaas ahayn uma aanaan fariisan, wuxuu yiri: "idiinma dhaarin tuhun aan idinka qabee, laakiin waxaa ii yimid malakul Jibriil, wuxuuna ii sheegay, in Ilaahay- isagaa wayne- idiinku faanayo malaa'igtiisa."
Explanation
Benefits
Way banaan tahay in qofka la dhaariyo isaga oo aan la tuhmayn, si loogu baraarujiyo muhimada uu leeyahay warka loosheegayo.
fadli wayn baa ku jira fadhiyada dikriga iyo cilmiga lagu haayo, Ilaahayna wuu jecel yahay wuuna ugu faanaa malaa`igta.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

