acmaashu waa niyada uun, Qof kastana wuxuu niyeystay uun buu leeyahay
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Camalku wuxuu ku ansaxayaa niyada, qof walbana wuxuu niyoodo ayuu leeyahay, qofka u soo Hijrooday Ilaahay iyo Rasuulki dartood, Hijradiisu Ilaahay iyo Rasuulkiisa dartood ayey ahaatay, Qofkase Hijiradiisu ahayd inuu Aduunyo helo ama haweeney uu guursado darteed, Hijradiisu waa wuxuu u soo Hijrooday uun ". Ruwaayada Bukhaarina waxay ahad: " acmaashu waa niyada uun, Qof kastana wuxuu niyeystay uun buu leeyahay. "
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allah siiyee, tusaale ayuu u soo qaatay si uu u cadeeyo saamaynta ay niyadu ku leedahay camalka, iyadoo acmaashu siman tahay muuqaalkooda guud, Nabigu wuxuu cadeeyey Qofka u niyeysta Hijradiisa ee dalkiisa uga safra Ilaahay raali galinti, Hijradiisu waa mid sharci ah oo Ilaahay aqbalayo, kana ajar siinayo niyadiisoo runa awgeed, Qofka Hijradiisa u niyeysta inuu nafac Aduun helo sida xoolo, jago, ganacsi iyo Dumar uu guursado Hijradiisa ka ma helaayo nafacaa uu niyeystay mooyee mana helaayo ajar iyo sawaab.
Benefits
Acmaasha Ilaahay loogu dhawaado hadii Qofku u sameeyo si caado ahaana ajar kama helaayo, ilaa uu u niyeysto inuu Ilaahay ugu dhawaado.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

