HadeethEnc · 1.19.0
Maaha Qofka Qaraabada xiriiriya midka marka la xiriiriyo uun Qaraabada xiriiriya, laakiin kan Qaraabada xiriiriyaa waa midka marka Qaraabadiisu goyso xiriiriya
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Cabdulaahi Binu Camar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Maaha Qofka Qaraabada xiriiriya midka marka la xiriiriyo uun Qaraabada xiriiriya, laakiin kan Qaraabada xiriiriyaa waa midka marka Qaraabadiisu goyso xiriiriya".
02
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay: In Qofka buuxiyey xiriirinta Qaraabada oo wanaajiyaa maahan Qofka ixsaanka ku bixiya ixsaan. Balse kan dhab ahaan u xiriiriya ee si buuxda Qaraabada u xiriiriya waa kan hadii Qaraabadu goyso xiriiriya, hadii ay xumeeyaana u ixsaan fala.
03
Benefits
Xiriirinta Qaraabada ee Sharci ahaan loo ictibaariyaa waa inaad xiriiriso Qofka ku gooya, oo aad cafido kan ku dulma, oo aad siiso kan kuu diida, ee ma aha xiriirku mid ku salaysan wax is dhaafsi iyo is abaal marin.
Xiriirinta Qaraabadu waa inaad gaarsiiso intii aad awoodo oo khayra, sida maalka, ducada, farida wanaaga, xumo ka reebida iyo wixii kale ee la mida, iyo ka difaacida wixii Shar ah.
Xiriirinta Qaraabadu waa inaad gaarsiiso intii aad awoodo oo khayra, sida maalka, ducada, farida wanaaga, xumo ka reebida iyo wixii kale ee la mida, iyo ka difaacida wixii Shar ah.
Attribution
[Waxa wariyay Albukhaari]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

