HadeethEnc · 1.19.0
Cadaygu afka wuu nadiifiyaa Ilaahayna wuu raali galiya
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Caa'isha- Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inay tiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Cadaygu afka wuu nadiifiyaa Ilaahayna wuu raali galiya".
02
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in laanta geedka cadayga ah iyo wixii la mida uu ka nadiifiyo afka iyo ilkaha wixii wasakha ama ur ah. Wuxuuna ka mid yahay asbaabta u keenaysa Adoonka Ilaahay raali ahaantiisa, waayo waxaa ku jira-cadayga adeecida Ilaahay iyo amarkiisa oo la qaato, iyo nadaafada Ilaahay jecel yahay.
03
Benefits
Xadiiska waxaa ku sugan fadliga cadayga, iyo Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo jeclaysiyey Ummaddiisa inay cadayga badsadaan.
Rumay waxaa u fadli badan laanta geedka cadayga iyo isticmaalka burshka iyo macjuunka way geli karaan booska cadayga.
Rumay waxaa u fadli badan laanta geedka cadayga iyo isticmaalka burshka iyo macjuunka way geli karaan booska cadayga.
Attribution
[Waxaa wariyay An-nisaa'i iyo Axmed]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

