Waxay la mid yihiin kan la fadhiya nin Saalix ah iyo kan la fadhiya nin Xun sida kan sitaCcatarka Miskiga iyo kan Dabka afuufaya
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Abii Muusa Alashcari Allaha ka raalli ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: " Waxay la mid yihiin kan la fadhiya nin Saalix ah iyo kan la fadhiya nin Xun sida kan sitaCcatarka Miskiga iyo kan Dabka afuufaya, kan Catarka Miskiga sita: waa inuu kuu mariyo ama aad ka iibsatid, ama aad ka heshid Caraf udgoon, kan Dabka afuufayana: waa inuu Dharka kaa gubo ama ay kaa soo gaarto Ur qarmuun".
Explanation
nooca 1aad: waa Qofka la fadhiya Saaxiibka wanaagsan oo tusaaya Ilaahay iyo wuxuu raaliga ka yahay, oo ugu kaalmaynaaya cibaadada Ilaahay. kaasi wuxuu la mid yahay kan iibinaaya Miskiga waa inuu ku siiyo ama aad ka iibsatid, ama aad Caraf udgoon ka heshid.
nooca 2aad: waa kan la fadhiya Saaxiibka Xun, ee jidka Ilaahay ka hor istaaga dadka, oo ugu kaalmaynaaya in macsi la sameeyo, oo aad ka arkaysid ficil xun, hadii kaasoo kale la la Saaxiibo oo lala fariisto dhib ayaa kaa soo gaaraya. Kaasi wuxuu la mid yahay Bir tumaha afuufa Dabkiisa, waa inay kaa gubaan Dharkaaga Dhinbilaha ka soo duulaya ama ay kaasoo gaarto Ur qarmuun.
Benefits
Waxaa la isku boorinayaa oo la is jeclaysiinayaa in la la fariisto dadka Ahlu daacada iyo wanaaga ah, oo laga fogaado dadka Ahlu fasaadka ah iyo kuwa akhlaaqda xun.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

