Dambiyad waawayni waa: Ilaahay oo loo shariik yeelo, Waalid caasiga, Naf la dilo iyo dhaar badanaha
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Cabdullaahi Camar Binu Caas Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Dambiyad waawayni waa: Ilaahay oo loo shariik yeelo, Waalid caasiga, Naf la dilo iyo dhaar badanaha".
Explanation
Tan koowaad: Ilaahay oo loo shariig yeelo: waana cibaadada noocay doontaba ha ahaate oo loo leexiyo cid aan Ilaahay ahayn, iyo Isaga oo lala simo wax aan Isaga ahayn wax yaabaha uu keligii xaq u leeyahay sida Ilaahnimadiisa, Rabinimadiisa, magacyadiisa iyo tilmaamihiisa wanaagsan.
Tan labaad: waa Waalid caasiga: waana wax kasta oo labada Waalid dhib ku ah, oo ah hadal ama ficil, iyo u samafalkooda oo laga tago.
Tan seddexaad waa Naf la dilo: taasoo ah xaq daro, sida dilka dulmiga iyo cadaawada ah.
Tan afraad, waa dhaar badanaha: waa mida lagu dhaaranayo Beenta loo bareerayo, waxaana sidaa loogu magacaabay, waxay dhaar badanaha quusinaysaa dambi ama Naar.
Benefits
Afartaan dambi ee sheegidooda lagu koobay Xadiiskaan waa waynida dambigooda, ee maha inay dambiyada waawayn intaa ku eg yihiin.
Dambiyadu waxay u qayb samaan waawayn iyo yar yar, dambiyada waa wayni waa: dambi kasta oo ay ku soo aroortay ciqaab Aduunka ah, sida danbiyada xuduuda leh ama lacnada, ama goodi kale, sida goodiga inuu Naar gelidoono, dambiyada waa waynina waa sida jaranjaro, qaarba qaar kaga sii adag yihiin xaaraanimada, dambiyada yar-yari waa wixii kuwaa waa-wayn ka soo hara.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

