Allahayow adaa Salaam ah, oo Salaantu kaa timid, waad kor ahaatay, yaa Dal Jalaali wal ikraam
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Thawbaan Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa markuu Salaada ka baxo seddex jeer buu istiqfaarsan jiray, wuxuuna yiri: " Allahayow adaa Salaam ah, oo Salaantu kaa timid, waad kor ahaatay, yaa Dal Jalaali wal ikraam. Waliid wuxuu yiri: waxaan ku iri Aw Saaci: qaabkay ahayd istiqfaartu? wuxuu yiri: Astaqfirullaah, Astaqfirullaah.
Explanation
Ka dibna Rabigii ayuu waynaynaayey, wuxuuna oran jiray: Allahayow adigaa Salaam ah, oo Salaantu kaa timid, waad kor ahaatay, Yaa Dal Jalaal wal Ikraam, Ilaahay waa Saalim oo sifaadkiisu waa kaamil, wuu ka nasahan yahay ceeb iyo nusqaan, isaga ayaa laga dalbaa inuu kaa nabad geliyo sharta Aduun iyo tan Aakhiro cid kale lagama dalbo, Ilaahay khayrkiisu waa badan yahay labada Daaroodba, Ilaahay waa kan u saaxibka ah waynaan iyo ixsaan.
Benefits
Waxaa loo Suneeyey istiqfaarta si loo dhamaystiro naqsiga cibaadada ku yimaada oo lagu kabo daacada laga gaabiyey.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

