HadeethEnc · 1.19.0
Kuma anaan tirin jirin boora-boorowga iyo jaalaha waxba markaan daahirsano ka dib
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Umu Cadiya -Allaha ka raali ahaadee- waxay la mubaayacootay Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, waxayna tiri: Kuma anaan tirin jirin boora-boorowga iyo jaalaha waxba markaan daahirsano ka dib.
02
Explanation
Saxaabiyada Umu Cadiya -Allaha ka raali ahaadee-, waxay sheegtay in haweenku waqtigii Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- aanay waxba ka soo qaadi jirin biyaha ka yimaada farjiga, kaasoo midabkiisu u eg yahay madow, ama jaale, marka xaydka laga daahir noqodo: looma arki jirin xayd, ugamana tagi jirin isaga salaada iyo soonka.
03
Benefits
Biyaha ka yimaada farjiga haweenka- markay daahirsadaan ka dib- waxba laga soo qaado xataa haday u eg yihiin boora-boorow ama jaale laguma tiriyo inay dhiiga ka mid yihiin.
Imaanshaha dhiiga boora-boorowga ah iyo kan jaalaha ah waqtiga caadada iyo xaydka wuxuu ka mid yahay dhiiga xaydka, waayo waa dhiig waqtigiisii yimid, laakiin wuxuu ku barxan yahay biyo.
Gabadha Caadadu ku dacday Salaada iyo Soonka uga tegimeyso haduu ka yimaado wax Booraboorow ah ama Jaale ah ee ka danbeeya Daahirnimada, balse wey weyso qaadan weyna tukan.

Attribution
[رواه أبو داود بهذا اللفظ ورواه البخاري بدون زيادة (بعد الطهر)]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares