Ka hortaga xumaanta Af-soomaali

الوقاية من الفواحش باللغة الصومالية - Ka hortaga xumaanta Af-soomaali

In dumarka la faro xijaabka, iyo in aanan hadalka la dabcin marka dumarka lala hadlayo, iyo inaan lala gooni noqon ama aan la gacan-qaadin ama aan lagu dhex milmin (dumarka). In aragga la laabo, iyo in laga fogaado meelaha ay dumarku ku badan yihiin, sida suuqyada, iyo in laga durko la keli-noqoshada dumarka aan maxramka ah. Yaraynta cuntada iyo cabitaanka; waayo taasi waxa ay ka qayb -qaadanaysaa daciifinta shahwada. In loo dagdago guurka marka u horraysa ee uu qofku awoodo. Haddii aanu awoodina waa in uu soomaa “Waayo soonku dhufaanid ayuu u yahay”. Bukgaari iyo Muslim ayaa soo saaray. In laga tago ka hadalka wax kasta oo ku saabsan shahwada farjiga iyo afka, iyo in goleyaasha laga nadiifiyo hadallada iyo falalka anshax-xumada ah In maanka lagu hayo in qofka macsi Alle dartiis uga taga uu Alle bedel fiican siinayo. Nebigu ﷺ waxa uu yiri “Wax ugama tagtid Alle dartii, haddaad uga tagtana, Alle waxa uu kuugu bedelayaa wax kaaga khayr badan”. Axmed ayaa soo saaray. Cabsida Alle (C.W.J) iyo badsiga ducada, sida uu nabi Yuusuf (C.S) ku ducaystay: “(Ilaahayow!) haddaadan iga iilin dhagartooda waan u iilan Xaggooda waxaana ka mid noqon Jaahiliinta

[Suurada Yuusuf: 33]

7 6 5 4 3 2 1
Tabaha u muhiimsan ee qofka Muslimka ah ka caawinaysa inuu ka fogaado Sinada, khaniisnimada iyo faaxishooyinka
14 13 12 11 10 9 8
Ilaalinta iyo ku dadaalka wanaag-farista iyo xume-reebista, inta u yarba ha ahaatee (in uu qalbigiisa ka dhibsado); waayo arrinkan waxaa qalbiga ugu sugan noolaynta, iyo in lagu dhiirragelinayo wanaagga. In la dhigo taleefanka iyo kaambayuutarka meel ay dadka kale arkayaan; waayo qofku waa uu daciifaa marka uu keligii yahay, saan soo sheegnay. Ka fogaanshaha waxyaabaha kordhinaya shahwada, qofkana u jiidaysa xumaan, waxaana ka mid ah qalabka casriga ah ee elegtarooniga ah iyo baraamijta ku duuban. In nafta lagu mashquuliyo wax anfacaya, iyo in laga fogaado baaga-muudada; waayo baaga-muudadu waa dilaa, sababtoo ah qofku waxa uu la keli noqonayaa naftiisa xumaan-farsita badan iyo shaydaanka. Xasuusashada qaacidada (saad u dhaqantaa laguula dhaqmaa); waayo sinadu waa dayn ay qasab tahay in la gudo. In lala saaxiibo dadkawanaagsan ee wanaagga fara, xumaantana reeba, lagana fogaado saaxiibbada xun-xun ee xumaanta ku baaqa. Akhrinta suuradda iyo qisada Nebi Yuusuf (C.S), iyo sidoo kale qisooyinka ku soo arooray quraanka iyo sunnada, iyo siirada salafkii suubbanaa.
Shopping Basket