| In dumarka la faro xijaabka, iyo in aanan hadalka la dabcin marka dumarka lala hadlayo, iyo inaan lala gooni noqon ama aan la gacan-qaadin ama aan lagu dhex milmin (dumarka). |
In aragga la laabo, iyo in laga fogaado meelaha ay dumarku ku badan yihiin, sida suuqyada, iyo in laga durko la keli-noqoshada dumarka aan maxramka ah. |
Yaraynta cuntada iyo cabitaanka; waayo taasi waxa ay ka qayb -qaadanaysaa daciifinta shahwada. |
In loo dagdago guurka marka u horraysa ee uu qofku awoodo. Haddii aanu awoodina waa in uu soomaa “Waayo soonku dhufaanid ayuu u yahay”. Bukgaari iyo Muslim ayaa soo saaray. |
In laga tago ka hadalka wax kasta oo ku saabsan shahwada farjiga iyo afka, iyo in goleyaasha laga nadiifiyo hadallada iyo falalka anshax-xumada ah |
In maanka lagu hayo in qofka macsi Alle dartiis uga taga uu Alle bedel fiican siinayo. Nebigu ﷺ waxa uu yiri “Wax ugama tagtid Alle dartii, haddaad uga tagtana, Alle waxa uu kuugu bedelayaa wax kaaga khayr badan”. Axmed ayaa soo saaray. |
Cabsida Alle (C.W.J) iyo badsiga ducada, sida uu nabi Yuusuf (C.S) ku ducaystay: “(Ilaahayow!) haddaadan iga iilin dhagartooda waan u iilan Xaggooda waxaana ka mid noqon Jaahiliinta”
[Suurada Yuusuf: 33] |
| 7 |
6 |
5 |
4 |
3 |
2 |
1 |
| Tabaha u muhiimsan ee qofka Muslimka ah ka caawinaysa inuu ka fogaado Sinada, khaniisnimada iyo faaxishooyinka |
| 14 |
13 |
12 |
11 |
10 |
9 |
8 |
| Ilaalinta iyo ku dadaalka wanaag-farista iyo xume-reebista, inta u yarba ha ahaatee (in uu qalbigiisa ka dhibsado); waayo arrinkan waxaa qalbiga ugu sugan noolaynta, iyo in lagu dhiirragelinayo wanaagga. |
In la dhigo taleefanka iyo kaambayuutarka meel ay dadka kale arkayaan; waayo qofku waa uu daciifaa marka uu keligii yahay, saan soo sheegnay. |
Ka fogaanshaha waxyaabaha kordhinaya shahwada, qofkana u jiidaysa xumaan, waxaana ka mid ah qalabka casriga ah ee elegtarooniga ah iyo baraamijta ku duuban. |
In nafta lagu mashquuliyo wax anfacaya, iyo in laga fogaado baaga-muudada; waayo baaga-muudadu waa dilaa, sababtoo ah qofku waxa uu la keli noqonayaa naftiisa xumaan-farsita badan iyo shaydaanka. |
Xasuusashada qaacidada (saad u dhaqantaa laguula dhaqmaa); waayo sinadu waa dayn ay qasab tahay in la gudo. |
In lala saaxiibo dadkawanaagsan ee wanaagga fara, xumaantana reeba, lagana fogaado saaxiibbada xun-xun ee xumaanta ku baaqa. |
Akhrinta suuradda iyo qisada Nebi Yuusuf (C.S), iyo sidoo kale qisooyinka ku soo arooray quraanka iyo sunnada, iyo siirada salafkii suubbanaa. |