waxaad sheegaysid oo aad dadka ugu yeeraysid waa wax fiican, ee noo sheeg Dambiyadii aanu galay wax naga guda
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Dad ka mida Mushrikiinta, ayaa dil badan gaystay, sinadana badsaday, waxayna u yimaadeen Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxayna ku dheheen: waxaad sheegaysid oo aad dadka ugu yeeraysid waa wax fiican, ee noo sheeg Dambiyadii aanu galay wax naga guda, markaasaa waxaa soo degay: {kuwa aan Ilaahay cid kale la baryin ee aan dilin Naf Ilaahay dilkeeda xarimay in xaq lagu dilo mooyee, ee aan Sinaysan} [suuratu-furqaan:68], waxaa kaloo soo dagay: "ku dheh Adoomadaya naftooda ku xad gudbayow, ha ka quusanina naxariista Ilaahay" [suuratu sumar:53].
Explanation
Waxaa soo degay labada Aayadood, taasoo Ilaahay kaga aqbalay dadka towbadii iyagoo sameeyey Dambiyo badan oo waaweyn, hadayna sidaas dhici lahayna waxay ku sii jiri lahaayeen Gaalnimadooda iyo kibirkooda mana soo galeen Diintaan.
Benefits
Xadiiska waxaa ku sugan waasicnimada Raxmada Ilaahay siiyey Adoomadiisa iyo u dambi dhaafka iyo cafinta uu siiyey Adoomadiisa.
Ilaahay wuxuu xarimay Shirkiga, wuxuu kaloo xarimay in naf xaqdaro lagu dilo, wuxuu kaloo xarimay Sinada, iyo goodi adag oo ku soo arooray qofkii danbiyaas gala.
Towbada runta ah oo ay la jirto Ilaahay oo loo khaalis yeelo, iyo camalka saalixa ah waxaa lagu dhaafaa dhamaan dambiyada waaweyn ee Gaalnimadu ku jirto.
Waa la xarimay quusashada iyo in laga rajo beelo naxariista Ilaahay Isagaa nusqaan oo dhan ka hufane.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

