HadeethEnc · 1.19.0
ha rumaynina Ahlu kitaabka hana beeninina, waxaadna tiraahdaan: ((waa rumaynay Ilaahay iyo wixii naloo soo dejiyey}
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade wuxuu yiri: Ahlu kitaabku kitaabka Tawraat waxay ku akhrin jireen luuqada cibraaniyada, waxana ugu fasiri jireen muslimiinta luqada carabiga, Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: ( ha rumaynina Ahlu kitaabka hana beeninina, waxaadna tiraahdaan: ((waa rumaynay Ilaahay iyo wixii naloo soo dejiyey} [ Al baqara:136] ayada)).
02
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu uga digay ummaddiisa inaysan ku kadsoomaan waxa Elhu kitaabku ka wariyaan kutubtooda, Yuhuuddu waqtigii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxay ku akhrin jireen kitaabka Tawraat luqada cibriga, oo ah luqada Yuhuuda waxayna ku fasiri jireen luuqada carabiga, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: ha rumaynina Ehlu kitaabka hana beeninina, waana waxa aan la kala garanayn runtooda iyo beentooda. Waayo Ilaahey wuxuu nafaray inaan Rumayno waxa uu noo soo dajiyey oo Qur'aanka ah, iyo kitaabka uu ku soo dajiyey Ehlu kitaabka, laakiin ma ogaan karno wixii saxda iyo wixii khalada ee ay kutubtooda ka sheegayaan, hadii ayna diinteenu kala cadyn runtooda iyo beentooda, Waanu ka joogsan, oo rumaynayno, si aynaan ula wadaagin wixii ay diintooda ka bedeleen, mana beeninayno, waxaa dhici karta waxay sheegayaan inay sax tahay, oo aynu beenino wax nala amray rumayntooda. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu nafaray inaan niraaho: {Waxaan rumaynay wixii Ilaahay noo soo dajiyey iyo wixii lagu soo dajiyey Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, Alasbaad iyo wixii la siiyey Muuse, Ciise iyo wixii Ambiyada Ilaahood siiyey, kala saarimayno nabiyada, anaguna Ilaahay baanu u hogaansan nahay} [Al baqara:136].
03
Benefits
Ahlu kitaabku waxay sheegaan waa seddex qaybood: qaybi waa wax waafaqsan Qur'aanka iyo sunada waana la rumayn, qaybina waa khilaafsan tahay Qur'aanka iyo sunada waana baadil la beeninayo, iyo qayb sadexaad oo Qur'aanka iyo sunada aysan sheegin rumtooda ama beentooda, kaas waa la warin lama rumaynayo lama beeninayo.
Attribution
[Waxa wariyay Albukhaari]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

