, aniguna waxaan ahay Damaam Binu Saclabah, Bani Sacad Bani Bakar walaalkood ah
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Annas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Anagoo masaajidka la fadhina Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa nin riti fuushan la soo galay masjidka, wuxuu ritigii ku arumay masjidka, ka dibna masjidka ayuu ku xirtay, ka dib dadkii wuxuu ku yiri: kiineeba ah Maxamed? Nabigun scw asxaabta dhexdooda ayuu xusul mudan yahay, markaasaan ku niri: waa ninkaa cad ee xusul mudan, ninkii wuxuu Nabiga ku yiri: ina Cabdul Mudalibow, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waan ku ajiibay. Ninkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waan ku waydiinayaa waana kugu adkaynayaa su'aasha ee ii dul qaado? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waxaad rabto I waydii, wuxuu yiri: Rabigaa iyo Rabiga cidii kaa horaysay ayaan kugu dhaariyee, ma Ilaahay baa kuu soo diray dadka oo dhan? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariyee ma Ilaahay baa ku faray inaan tukano shan salaadood habeenkii iyo Maalintii? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: Ilaahay baan kugu dhaariyee ma Ilaahay baa ku faray inaan bil ka soono sanadka? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri Ilaahay baan kugu dhaariye ma Ilaahay baa ku faray inaan sakada ka qaadno intayada qaniga ah una qaybino intayada saboolka ah? wuxuu yiri: Allahayow haa, wuxuu yiri: waan rumeeyey waxaad la timid, ana rasuul baan u ahay kuwa iga dambeeya , aniguna waxaan ahay Damaam Binu Saclabah, Bani Sacad Bani Bakar walaalkood ah.
Explanation
Benefits
Waxaa cad Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, akhlaaqdiisa wanaagsan iyo sida naxariista leh ee uu ugu jawaabay ninka wax waydiinayey, in si fiican loo jawaabona waxay sabab u noqonaysaa in la aqbalo dacwada.
Way banaan tahay in ninka lagu sheego sifooyin sida cadaanka, casaanka, dheerida, gaabnida, iyo wixii la mida ee aan looga jeedin ceeb, haduuna dhibsanayn.
way banaan tahay in Gaalku Masaajidka dan u soo galo.
Xadiiska laguma sheegin Xajka waxaana laga yaabaa inaan la waajibin waqtiguu imaanayey.
Asxaabtu way ku dadaaleen inay dadka ugu yeeran dacwada, isla markuu islaamayba wuxuu ku dadaalay inuu tolki ugu yeero diinta.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

