HadeethEnc · 1.19.0
Munaafaqu wuxuu la mid yahay ri' ku wareersan laba ari dhexdood oo kolba mid aadaysa
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isagiyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: Munaafaqu wuxuu la mid yahay ri' ku wareersan laba ari dhexdood oo kolba mid aadaysa.
02
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey munaafaqa xaalkiisa iyo inuu la mid yahay ri` ku dhex wareertay labo ari kii ay raaci lahayd. Ri`daas oo mar xayntaa arigaa u tagaysa marna xayntaa kale. Munaafaqiintu waxay ku dhex wareersan yihiin Iimaanka iyo kufriga, Muuminiinta u lama jiraan si muuqata iyo si qarsoon, gaaladana u lama jiraan si muuqata iyo si qarsoon, balse waxay ka ag muuqdaan Muuminiinta, waxaa uurkooda ku jira shaki iyo walaac, qalbigoodu mar wuxuu raacin kuwaa, marna kuwaa kale.
03
Benefits
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa ka mid ahaa dhaqankiisa inuu tusaale soo qaato si uu macnaha u soo dhaweeyo.
Waa cadayn xaalada munaafaqiinta oo ah walaac iyo shaki iyo xasilooni daro.
Waxaa laga digay xaalka munaafaqiinta, waxaana la isku booriyey runta iyo in lagu adkaysto iimaanka daahir ahaan iyo baadin ahaanba.
Waa cadayn xaalada munaafaqiinta oo ah walaac iyo shaki iyo xasilooni daro.
Waxaa laga digay xaalka munaafaqiinta, waxaana la isku booriyey runta iyo in lagu adkaysto iimaanka daahir ahaan iyo baadin ahaanba.
Attribution
[Waxa wariyay Muslim]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

