HadeethEnc · 1.19.0
Ilaahay wuxuu jecel yahay in lala yimaado ruqsooyinkiisa sida uu u jecel yahay in lala yimaado waajibaadkiisa
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Ibnu Cabbaas Allaha ka raali noqdo isagiyo Aabihise waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu jecel yahay in lala yimaado ruqsooyinkiisa sida uu u jecel yahay in lala yimaado waajibaadkiisa.
02
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay: in Ilaahay jecel yahay in la qaato ruqsooyinkiisa sharciga ah, sida khafiifinta axkaanta iyo cibaadada iyo in qofkii qaan gaar ah ee cudur daar leh loo sahlo cibaadada sida gaabinta Salaada iyo jamcinteeda Sida Ilaahay u jecel yahay in lala yimaado waajibaadka uu waajibiyey, waayo amarka Ilaahay ee ruqsada ah iyo waajibaadku waa hal mid.
03
Benefits
Ilaahay wuu u naxariistay Adoomadiisa, wuxuuna jecel yahay in la qaato wixii ruqsooyin ah ee uu jideeyey.
Xadiiska waxaa ku sugan kaamilnimada Shareecadaan iyo in laga dulqaaday Muslimka wixii dhib ku ah.
Xadiiska waxaa ku sugan kaamilnimada Shareecadaan iyo in laga dulqaaday Muslimka wixii dhib ku ah.
Attribution
[Waxaa wariyay Ibnu Xibbaan]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

