xaqa Ilaahay Adoomada ku leeyahay waa inay caabudaan oo ayna cidna ugu Shariig yeelin, xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiina waa inuuna cadaabin Qofkii aan u shariig yeelin
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Mucaad Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan la fuushanaa Dameer la dhihi jiray: Cufeyr, markaasuu yiri: Mucaadoow, ma og tahay xaqa Ilaahay ku leeyahay Adoomadiisa iyo xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin waxaan iri: Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayaa og, wuxuu yiri: xaqa Ilaahay Adoomada ku leeyahay waa inay caabudaan oo ayna cidna ugu Shariig yeelin, xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiina waa inuuna cadaabin Qofkii aan u shariig yeelin waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow ma ugu bishaareeyaa dadka wuxuu yiri: maya ha ugu bishaareyn, yey is dhigane
Explanation
Benefits
Xadiiska waxaa ku sugan cadaynta xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin, kaaso Ilaahay fadligiisa iyo nicmadiisa isugu waajibiyey, kaaso ah inuu Janada geliyo oo aanu cadaabin.
Xadiiskaan waxaa ku jira bishaaro weyn oo ay leeyihiin Muwaxidiinta aan Ilaahay cibaadadiisa cidna la wadaajin, bishaaradaas oo ah inay Janada gelayaan.
Mucaad wuxuu Xadiiskaan sheegay intuusan dhiman, isago ka cabsi qabey inuu ku dhoco danbiga qarinta Cilmiga.
Xadiiska waxaa ku sugan baraarujin inaan dadka qaarki lagu dhex faafin Axaadiista qaarkeed, iyadoo laga baqayo in Qof macnahooda fahmi waayo, waana Axaadiista aanay ku sugnayn wax camal fal ah ama aysan ku sugnayn Xad Xuduuda Shareecada ka mida.
Dadka Muwaxidiinta ah kuwooda caasiyada ah waxay hoos joogaan Ilaahay mashii`adiisa, haduu doono wuu cadaabin haduu doonana wuu u dambi dhaafin, ka dibna waxay ku danbaynayaan Janada.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

