HadeethEnc · 1.19.0
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu lacnaday laaluush bixiyaha iyo laaluush qaataha waana siman yihiin xaga xukunka
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu lacnaday laaluush bixiyaha iyo laaluush qaataha waana siman yihiin xaga xukunka.
02
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku habaaray in Ilaahay naxariistiisa ka dheereeyo kan laaluushka bixiya, kan qaata, iyo kan u kala qaada.
Ariinkaa waxaa la mid ah waxa la siiyo gar-soorayaasha si ay cadaalada uga leexdaan xukunka ay faraha ku hayaan, taasoo kan dhiibaya laaluushku uu ku helayo muraadkiisa si aan xaq ahayn.
Ariinkaa waxaa la mid ah waxa la siiyo gar-soorayaasha si ay cadaalada uga leexdaan xukunka ay faraha ku hayaan, taasoo kan dhiibaya laaluushku uu ku helayo muraadkiisa si aan xaq ahayn.
03
Benefits
Waxaa xaaraan ah, bixinta laaluushka, qaadashadiisa, kan dilaalkiisa, u gar-gaarkiisa, waayo wuxuu soo galayaa isku kaalmaynta baadilka.
Laaluushku waa dambiyada waa wayn, waayo Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuu lacnaday Qofka qaata iyo kan bixiyaba.
Laaluushku marka la joogo gar soorka iyo xukunka waa dulmiga iyo dambiga ugu wayn, waxa ku jira dulmi iyo in lagu xukumo wax uusan Ilaahay soo dajin.

Attribution
[Waxaa wariyay At-tirmidi iyo Axmed]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares