Qofka akhriya Xaraf ka mid ah Kitaabka Ilaahay wuxuu ka halayaa hal xasano, halka xasano waxay u dhigantaa toban laabkeed
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka akhriya Xaraf ka mid ah Kitaabka Ilaahay wuxuu ka halayaa hal xasano, halka xasano waxay u dhigantaa toban laabkeed, ma oranaayo {Alif Laam Miim} waa Xaraf, laakiin Alifku waa Xaraf, oo laamku waa Xaraf, oo Miimku waa Xaraf".
Explanation
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku cadeeyey hadalkiisaa isagoo dhahay: (ma dhahayo Alif Laam Miim) waa Xaraf, laakiin Alifku waa Xaraf, Laamku waa
Xaraf, Miimkuna waa Xaraf): waxay ahaanaysaa sdddex Xaraf oo soddon xasano laga helayo.
Benefits
Qofka akhrinaya Quraanka wuxuu ka helayaa Xaraf kastoo ee ku jira kalimad walba ee uu akhriyo hal xasano taasoo loo laalaabayo toban laabkeed.
Waa Ilaahay Raxmadiisa waasac nimadeeda iyo deeqdiisa, waayo wuxuu u laban laabay Adoomadiisa ajarka, waana fadligiisa, iyo deeqsinimadiisa.
Qur'aanku wuu ka fadli badan yahay wixii qayrkiisa ee hadal ah, akhrintiisaana Ilaahay ayaa lagu caabudaa, waayo waa hadalkii Ilaahay sareeye.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

