HadeethEnc · 1.19.0
{قل هو الله أحد} Ilaahay waa Allaah keligii ah-, iyo labada Suuradood ee Micwadateynka "سورة الفلق iyo سورة الناس" Galabtii iyo Subixii sedeex jeer, way kaaga filan tahay wax walba
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Cabdullaahi Binu Khubayb Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan soo baxnay habeen Roob da'ayo, oo Gudcur ah, anagoo Rasuulka Ilaahay raadinayna si uu noo tujiyo, wuxuu yiri: waan helnay, wuxuuna yiri: "dheh", waxba maana dhihin, wuxuu yiri: "dheh", waxba maana dhihin, wuxuu yiri: "dheh", waxaan iri: maxaan dhahaa? wuxuu yiri: dheh: {قل هو الله أحد} Ilaahay waa Allaah keligii ah-, iyo labada Suuradood ee Micwadateynka "سورة الفلق iyo سورة الناس"
Galabtii iyo Subixii sedeex jeer, way kaaga filan tahay wax walba".
02
Explanation
Wuxuu sheegay Saxaabiga weyn ee Cabdullaahi Binu Khubayb-Allaha ka raali ahaadee-: inay bexeen Habeen Roob badan oo Gudcur ah, iyagoo raadinaya Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, si uu u tujiyo, wayna heleen, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: waxaad dhahdaa ''dheh'' oo uu uga jeeday akhri, waxbana ma akhrin, Nabiguna nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ku celiyey hadalkiisa, wuxuuna dhahay Cabdullaahi: maxaan akhriyaa Rasuul Ilaahayow? Nabigu wuxuu yiri: akhri suuradaha: {Al-ikhlaas}, {Al-falaq}, {Anaas}, waqtiga Galabta iyo waqtiga Subaxa, seddex jeer-midiiba-, waxay kaa ilaalin wax walba, xumaan oo dhana way kaa ilaaline.
03
Benefits
Waxaa Suno ah akhrinta Suurada Alikhlaas iyo labada Suuradood ee Micwadateynka (Alfalaq, Anaas), Subaxii iyo Galabtii, waxayna xirsi xir ka tahay Shar oo dhan.
Fadli ayey leeyihiin Suuradaha: Alikhlaas, Alfalaq, iyo Anaas.
Fadli ayey leeyihiin Suuradaha: Alikhlaas, Alfalaq, iyo Anaas.
Attribution
[waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi, iyo nasaa.i]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

