HadeethEnc · 1.19.0
Shuruuda ugu xaqnimo badan inaad oofisaan waa tii aad ku xalaashateen Farjiga
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Cuqba Binu Caamir Allaha ka raali ahaadee waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Shuruuda ugu xaqnimo badan inaad oofisaan waa tii aad ku xalaashateen Farjiga".
02
Explanation
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in shuruuda ugu mudan in la fuliyo ay tahay shardiga lagu xalaashaday ku raaxaysiga Dumarka, waana shuruud mubaax ah oo ay dalban karto xaasku marka la nikaaxayo.
03
Benefits
Waa waajib fulinta shardiga labada is qabaa midkood kan kale ku xiro, shardi xaaraan xalaalaynaaya ama shardi xalaal xaaraantimaynaaya mooyee.
Fulinta shuruuda nikaaxa wuu ka mudan yahay wixii qayrki ah, waayo waxaa looga bedeshay oo lagu xalaashaday Farjiga.
Islaamku guurka makaano wayn ayuu dhigay, waayo wuxuu adkeeyey oofinta shuruudiisa.
Fulinta shuruuda nikaaxa wuu ka mudan yahay wixii qayrki ah, waayo waxaa looga bedeshay oo lagu xalaashaday Farjiga.
Islaamku guurka makaano wayn ayuu dhigay, waayo wuxuu adkeeyey oofinta shuruudiisa.
Attribution
[Xadiis la isku waafaqay]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares