HadeethEnc · 1.19.0
Qofka u taga faaliye oo wax waydiiya salaad lagama aqbalo afartan habeen
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Waxaa laga wariyey qaar ka mid ah Haweenkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inay dheheen: "Qofka u taga faaliye oo wax waydiiya salaad lagama aqbalo afartan habeen".
02
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digayaa in loo tago faaliyaha -faaliyuhu waa magac guud oo ay wadaagaan wax sheega, xidigiyaha, faalka ciida, iyo wixii la mida, ee qaybka wax ka sheegiisa u daliishada wax yaabo hor dhac ah oo ay adeeg sadaan, in wax la waydiiyo kaliya ayuu Ilaahay uga xarimayaa qofka ajarka salaada afartan maalmood, waxaana loogu ciqaabay dambigaa iyo xumaantaa weyn ee uu sameeyey awgeed.
03
Benefits
waxaa Xadiiska ku sugan inay xaaraan tahay in faal la dhigo, iyo in la aado faalalow oo la waydiiyo wax qayb ah.
Qofku wuxuu ku waayi karaa ajarka cibaadada isagoo lagu ciqaabayo macsida uu sameeyey.
Waxaa soo gelaya xadiiskaan waxa loo yaqaan Burjiga iyo fiirintooda, iyo ku akhrinta Calaacasha, Bakeeriga iyo hadii ay xataa tahay daawsho uun, waayo kuligood waxay soo gelayaan Faalalowga iyo sheegashada Cilmiga Qaybka.
Haday tahay taasi ciqaabta Qofka Faaliyaha u taga, maxaa lagu abaal marin Faalalowga?
Afartanka Maalmood Salaadoodu way ka ansaxaysaa Qofka oo lama qalaynaayo laakiin ajar ma leh.

Attribution
[Waxa wariyay Muslim]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares