Bismi Allah dheh oo Midigta ku cun, oo ka cun dhinaca ku soo xiga
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Cumar Binu Abii Salama Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Anoo ah Wiil yar oo ku nool Guriga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayey Gacantaydu xeerada ku dhex wareegtay markaasaa Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee igu yiri: yarow Bismi Allah dheh oo Midigta ku cun, oo ka cun dhinaca ku soo xiga, intii ka danbaysay sidaas ayaan u cuni jiray cuntada.
Explanation
Tan 1aad: waa erayga "Bismillaah" bilawga cuntada.
Tan 2aad: Midigta oo lagu cuno.
Tan 3aad: waa inuu cuntaa ka cuno dhinaca u dhaw isaga.
Benefits
Waa muhiim in caruurta la baro aadaabta, gaar ahaana kuwa Qofku masuulka ka yahay.
Xadiiska waxaa ku sugan in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee naxariistiisa iyo dulqaadkiisu ay waasac yihiin markuu caruurta wax barayo oo uu tarbiyeynaayo.
Waxaa ka mid ah aadaabta cuntada in Qofku ka cuno dhinaca isaga soo xiga hadayna ahayn cuntadu noocyo kala duwan, markaa waxaa u banaan tahaty inuu ka qaato shay walba halkuu yaallo.
Asaxaabtu waxay qaadan jireen aadaabta uu baray Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee arinkaana waxaa laga fahmayaa hadalka Cumar Binu Abii Salama: intii ka danbaysay sidaas ayaan cuntada u cuni jiray.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

