Inuu nin weydiiyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: Islaamka maxaa ugu khayr badan? wuxuu ugu jawaabay: "dadka oo aad cunto siiso iyo inaad salaanto َofka aad taqaan iyo kan aadan aqoonba
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Cabdullaahi Binu Camar -Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye- waxaa laga wariyey: Inuu nin weydiiyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: Islaamka maxaa ugu khayr badan? wuxuu ugu jawaabay: "dadka oo aad cunto siiso iyo inaad salaanto َofka aad taqaan iyo kan aadan aqoonba."
Explanation
Mida 1aad: in la badiyo quudinta Fuqarada, waxaana soo galaya Sadaqa, Hadiyada, Soorida, Casumida, waxayna sii fadli badan tahay quudintu waqtiyada ay jiraan Abaaraha iyo sicir bararku.
mida 2aad: waa inaad Salaanto Qof walba oo Muslim ah kii aad taqaan iyo kii aadan aqoonba.
Benefits
Salaanta iyo Cunto siintu waa acmaasha ugu fadliga badan Islaamka, waana fadli badnaanteeda iyo baahida dadku ay u qabaan waqti walaba.
Labadaa Sifo waxaa ku kulmay ixsaankii oo hadal iyo ficilba ah, waana ixsaanka ugu kaamilsan.
Sifooyinkaani waxay ku saabsan yihiin tacaamulka Muslimiinta dhexdooda, waxaase jira Sifooyin kale oo ku saabsan Adoonka oo la tacaamulaya Rabigi.
Salaanta oo aad Qofka ku bilawdo waxay gaar u tahay Muslimiinta dhexdooda, gaalse salaan laguma bilaabo.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

