HadeethEnc · 1.19.0
Adoonkii Ilaahay madax uga dhigo Shacab, oo Maalinta uu dhimanaayo dhinta isago soo khiyaamay shacabkiisii, Ilaahay wuxuu ka xarimaa Janada
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Macqal Binu Yasaar AlMusani Allaha ka raali ahaadee waxaa la wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Adoonkii Ilaahay madax uga dhigo Shacab, oo Maalinta uu dhimanaayo dhinta isago soo khiyaamay shacabkiisii, Ilaahay wuxuu ka xarimaa Janada".
02
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qof kasta oo Ilaahay Masuul uga dhigay dad, ha noqoto masuuliyad guud sida Madaxweyne, ama masuuliyad gaara sida tan ninka ka saaran gurigiisa, ama Gabadha ka saaran Gurigeeda, hadii ay dayacaan wixii masuulka looga dhigay, ama ay khiyaaanan oo aanay u naseexayn, oo dayacaan xuquuqdooda Diineed iyo tan Aduunyo, waxay mutaysanayaan ciqaabtaas adag.
03
Benefits
Goodigaasi gaar kuma aha Madaxwaynaha iyo ku Xigeenadiisa, balse waa mid guud oo loo jeedo qofkastoo Ilaahay Madax uga dhigay dad.
Waxaa waajib ku ah Qofkasta oo Masuul ka noqda arin Muslimiintu leeyihiin inuu u naseexeeyo, kuna dadaalo inuu Amaanada guto, oo dadka uga digo khiyaanada.
Xadiiska waxa ku sugan weynida ay leedahay Qof walba ee qaada Mas'uuliyad guud Bulshada ama mid gaara, ha noqoto mid weyn ama mid yare.

Attribution
[Xadiis la isku waafaqay]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares