HadeethEnc · 1.19.0
Allahayow Qofkii Madax u noqda Ummaddayda oo wax ku adkeeya isna ku adkee, midka Madax u noqda Ummaddayda oo u naxariistana u naxariiso
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Caa'isha Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inay tiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo ku dhahaya Gurigaygan dhexdiisa: "Allahayow Qofkii Madax u noqda Ummaddayda oo wax ku adkeeya isna ku adkee, midka Madax u noqda Ummaddayda oo u naxariistana u naxariiso."
02
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu habaaray Qofkastoo Madax ka noqda arimaha Muslimiinta hayaraado arinkaasi ama ha weynaadee, Madaxtinimadaasi ha noqoto mid guud ama mid kooban ee gaara, Qofkaasoo Madaxtinimadiisa dadka ku dhibaateeya, oo aan u naxariisan, Ilaahay wuxuu ku abaal marin camalkii uu sameeyey noociisa, wuuna ku adkayn.
Midkase u naxariista dadka oo u fududeeya arimahooda, Ilaahay ayaa u naxariista oo u fududeeya arinkiisa.
Midkase u naxariista dadka oo u fududeeya arimahooda, Ilaahay ayaa u naxariista oo u fududeeya arinkiisa.
03
Benefits
Waxaa ku waajib ku ah Qofka Muslimiinta arimahooda shay ka mida Madax ka noqda inuu u naxariisto intuu kari karo.
Abaal marintu waxay noqotaa nooca camalku yahay.
Miisaanka lagu cabiraayo naxariista ama adakaynta waa wixii aan khilaafsanayn Kitaabta iyo Sunada.
Abaal marintu waxay noqotaa nooca camalku yahay.
Miisaanka lagu cabiraayo naxariista ama adakaynta waa wixii aan khilaafsanayn Kitaabta iyo Sunada.
Attribution
[Waxa wariyay Muslim]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares