Ma taqaanaan Xantu waxay tahay? ", waxay dheheen Asaxaabtii: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa naga og, wuxuu yiri: " waa adigo Walaalkaa wuxuu dhibsanaayo ku sheega,
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Ma taqaanaan Xantu waxay tahay? ", waxay dheheen Asaxaabtii: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa naga og, wuxuu yiri: " waa adigo Walaalkaa wuxuu dhibsanaayo ku sheega,", waxaa lagu yiri: ka waran haduu leeyahay walaalkay waxaan ku sheegay? wuxuu ku yiri: " "haduu leeyahay waxaad, ku sheegtay waad xamatay haduusan lahayn waxaad ku sheegtayna waad hafaryeysay.
Explanation
Hadaanu lahayn waxaa lagu sheegayo taasi wayba ka sii dambi wayn tahay Xanta, oo waaba Beeabuur, dadka lugu been abuuranayo wax aanay ahayn.
Benefits
Asaxaabtu aadaab fiican ayey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee kula dhaqmeen markay yiraahdeen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og.
Qofkii la waydiiyo wax uusan aqoon wuxuu oronayaa: Ilaahay ayaa og.
Shareecadu way dar yeeshay Bulshada iyada oo ilaalisay xuquuqda iyo Walaaltinimada u dhexaysa.
Xantu waa xaaraan marka laga reebo xaalado qaarkood oo maslaxo ku jirto, waxaana ka mida: joojinta dulmiga, isaga oo dhibanuhu sheego in la dulmiyay, una sheego cida awooda u leh inay xaqiisa uga qaado, wuxuu dhahaya: hebel baa i dulmiyey, ama waxaas iyo waxaas buu igu sameeyey, waxa kaloo ka mida: talo siinta Qof guur kaala tashaday iyo shuraako ama la darsid iyo wixii la mida.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

