HadeethEnc · 1.19.0
Ku tufida, qardhaasta, iyo madiidadu waa shirki
Available translations
Choose an available translation of this Hadeeth
01
Hadeeth text
Cabullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan ka maqlay isagoo dhahaya: " Ku tufida, qardhaasta, iyo madiidadu waa shirki."
02
Explanation
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey waxyaabo samayntoodu tahay shirki waxaana ka mida:
Tan koobaad: waa hadalkii ay isku dawayn jireen dadkii waqtigii jaahiliga, kaasoo ka koobnaa waxyaabo shirki ah.
Tan labaad: qardhaasta oo ah wax taxan oo kale, taasoo loo xiro caruurta, xoolaha iyo qayrkoodba iyado laga ilaalinayo isha.
Tan saddexaad: madiidaynta: waa wax loo sameeyo labada qof ee is qabta mid in la jeclaysiiyo kan kale.
Arimahaasi waxay ka mid yihiin shirkiga, dad ayaa sabab ka dhigaya, mana aha sabab sharciya oo daliil ku sugnaatay, mana aha sabab xisi ah oo khibrad ku sugnaatay. Asbaabta shirciga ah sida akhrinta Qur'aanka, ama asbaabta xisiga ah sida daawada khibrada lagu ogaaday, way banaan tahay iyado la rumaysan yahay inay tahay asbaab uun, nafaca iyo dhibkuna Ilaahay gacantiisa ku jiraan.

03
Benefits
Xadiiska waxaa ku sugan in towxiidka iyo caqiidada laga ilaaliyo wixii dhaawacaya.
Xadiiska waxasa ku sugan in la xarimay in la isticmaalo tufida shirkiga ah, qardhaasta iyo madiidada.
Dad ayaa citiqaadsan in saddexdaasi yihiin asbaab: waana shirki yar, waayo wax aan sabab ahayn ayuu asbaab ka dhigay, haduuse aamino inay naf ahaanteedu leedahay nafac iyo dhib taasi waa shirki weyn.
Waxaa laga digayaa asbaabta shirkiga keenaya iyo kuwa xaaraanta ah.
Tufida shirkiga ahi waa xaaraan waxayna ka mid tahay shirkiga inta sharciga ah maahee.
Waxaa haboon in qalbigu ku xiran yahay Ilaahay kaligii, dhibka iyo dheeftuba isaga kaligi ayey ka yimaadaan, cibaadada cid la wadaagtaa majirto, khayrka cid aan isaga ahayni makeento, sharkana cid aan isaga ahayni ma ciliso.
Tufida banaan waxay ka kooban tahay saddex shardi: 1- in qofku citiqaado inay sabab uun tahay oo Ilaahay idankii uun wax ku tartayso 2- waa inay tahay Qur'aan, magacyada Ilaahay, sifaadkiisa, ducooyinkii Nabiga iyo ducooyinka sharciga ah, 3- inay tahay luqad la fahmaayo oo lahayn erayo aan la fahmayn iyo khuraafaad.

Attribution
[Waxaa wariyay Abuu Daa'uud Ibnu Maajah iyo Axmed]
Categories
Share
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares