Maalinta Qiyaame Qofku ma dhaqaaqayo ilaa la weydiiyo Cimrigiisii wuxuu ku dhameeyey, cilmigii Ilaahay baray wuxuu ku sameeyey, Maalkiisii halkuu ka keenay iyo halkuu ku bixiyey iyo Jirkiisii wuxuu ku dhameeyey
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Abii Barsata Alaslami Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Maalinta Qiyaame Qofku ma dhaqaaqayo ilaa la weydiiyo Cimrigiisii wuxuu ku dhameeyey, cilmigii Ilaahay baray wuxuu ku sameeyey, Maalkiisii halkuu ka keenay iyo halkuu ku bixiyey iyo Jirkiisii wuxuu ku dhameeyey".
Explanation
Mida 1aad: noloshiisii wuxuu ku dhameeyey?
Mida 2aad: cilmigii uu bartay dar Ilaahay ma ka ahaa? mase ku camal falay? oo ma gaarsiiyey cilmiga cidii xaqa u lahayd?
Mida 3aad: maalkiisii halka ayuu ka keeney, ma xalaal mise xaaraan buu ku soo galay?, muxuuse ku bixiyey, ma wax Ilaahay raalli geliya mise wax ka caraysiiya.
Mida 4aad: jirkiisii, Xooggiisii, Caafimaadkiisii, Dhallin yaranimadiisii wuxuu ku dhameeyey oo u adeegsaday?
Benefits
Nicmooyinka Ilaahay uu siiyey Adoomadiisa way badan yihiin, wuuna weydiin doonaa nicmooyikaa Maalinta Qiyaamaha, sidaa darteed waxaa lagudboon Qofku inuu nicmooyinkaa uga faa'iidaysto wax Ilaahay raali gelinaaya.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

