Ilaahay wuu qoray Xasanaadka iyo Dambiyada, ka dibna wuu cadeeyey, Qofka ku hamiya inuu sameeyo Xasano ee aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa Xasano kaamil ah, hadiise uu ku hamiyo Xasano oo uu sameeyo Ilaahay wuxuu u qoraa toban Xasano ilaa Todobo Boqol oo laalaab, ilaa laalaabyo badan, qofkii ku hamiya Danbi oo aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa Xasano kaamil ah, haduu ku hamiyo Dambi oo uu sameeyo waxaa loo qoraa hal Danbi
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaadee isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey: Wuxuu ka wariyey Nabiga Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, Nabiguna Ilaahay ka wariyey inuu yiri: wuxuu Nabigu yiri: "Ilaahay wuu qoray Xasanaadka iyo Dambiyada, ka dibna wuu cadeeyey, Qofka ku hamiya inuu sameeyo Xasano ee aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa Xasano kaamil ah, hadiise uu ku hamiyo Xasano oo uu sameeyo Ilaahay wuxuu u qoraa toban Xasano ilaa Todobo Boqol oo laalaab, ilaa laalaabyo badan, qofkii ku hamiya Danbi oo aan samayn Ilaahay wuxuu u qoraa Xasano kaamil ah, haduu ku hamiyo Dambi oo uu sameeyo waxaa loo qoraa hal Danbi.
Explanation
Qofka damca oo goosta oo u qasda inuu Xasano sameeyo waxaa loo qoraa hal Xasano isago aan samaynba, haduu sameeyo waxaa loo laalaabaa toban laabkeed, ilaa Todoba Boqol oo laalaab ilaa laalaabyo badan, siyaadaduna waa kolba inta ikhlaas Qalbiga ku jirta, iyo wax tarkii uu gudbiyey iyo wixii la mida.
Qofka damca oo u qasda oo goosta inuu dambi sameeyo ka dibna Ilaahay darti u daaya waxaa loo qoraa Xasano, haduuse ka mashquulo oo uusan asbaabteeda la imaan waxba looma qoro, hadiise uu kari waayo waxaa loo qoraa niyadiisa wixii ku jiray. haduu sameeyana waxaa loo qoraa hal Dambi.
Benefits
Niyadu ahmiyad iyo saamayn ayey ku leedahay camalka.
Ilaahay fadligiisa casa wajala, dhimrintiisa iyo ixsaankiisa waxaa ka mida in Qofkii ku hamiya xasano oo aan samayn in Ilaahay u qoraayo Xasano.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

