Ilaahay wuxuu faray in shay walba loo ixsaan falo
Choose an available translation of this Hadeeth
Hadeeth text
Shadaad Binu Aws Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee labo ayaan ka xifdiyey isagoo dhahaya: "Ilaahay wuxuu faray in shay walba loo ixsaan falo, hadii aad wax dilaysaan dilka wanaajiya, hadii aad gawracaysaan gawraca wanaajiya, Mididana afeeya, oo neefka u raaxeeya.
Explanation
Ixsaankuna: waa in Ilaahay si joogto inoo ilaalinaayo, oo uu eegaayo caabududiisa, bixinta khayrka, dadka oo dhibka laga daayo, ixsaankaas waxaa soo galaya dilka iyo gawraca.
Ixsaanka qisaastu waa: in loo dooro dariiqa ugu sahlan oo ugu fudud oo ugu dhaqso badan oo Nafta looga goyn karo kan la dilaayo.
ixsaan falka gawracu waa marka la gawracyo: oo waa in loogu naxariisto Neefka in la afeeyo Midida, oo aan hortiisa lagu afayn isagoo eegaya, ama xoolo kale oo u jeeda aan la gawricin.
Benefits
Ixsaanka dilka iyo gawracu waa inuu ahaado siday shareecadu jidaysay.
Xadiiska waxaa ku sugan kaamilnimada shareecada oo koobaysa khayr oo dhan, waxaana ka mida in Xayawaanka loo naxariisto loona dhimriyo.
Waxaa la reebay in Sar-waji lagu sameeeyo dadka marka la dilo ka dib.
Waa la xarimay wax walba oo ay ku jirto ciqaabta Xayawaanku.
Attribution
Categories
Share hadeeth
Sharing options · 0 Total shares

